CABAYS.COM
Xiisad Coladeed Ayaa Saaka Ka Bilaabmatay Degaanka Dararweyne Iyo Ceelweyn Ee Gobolka Sanaag
July 6, 2018 - Written by Cabays

Ceerigaabo(Cabays Media) Dagaal beeleed ayaa dib uga soo cusboonaaday maanta deegaanka Darar weyne ee degmada Ceelafweyn ee gobolka Sanaag. dagaalka ayaa la rumaysan yahay in uu  khasaare gaystay laakiin, wali faahfaahin lagama hayo.

Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii maalintii shalay halkaasi lagu dilay hal qof oo la sheegay in uu ahaa xoolo dhaqato.

Wariyaha HCTV ee Ceel-Afweyn ayaa sheegaya in gudaha magaalada Ceel-afweyna laga maqlaayo rasaas ay ridayaan ciidamada Somaliland Kuwaas ka hortaagaya gurmadka ciidan beeleedyada Dararweyn u socda.

Waxa dib u dhacay socdaal madaxweynaha Somaliland iyo ergo balaadhan oo daminta colaadda u socday ku tagi lahaayeen Ceelafweyn 1-dii bishan waxaanay u muuqata in ay ka sii darayso xiisadda labada beelood.

 

COMMENTS