CABAYS.COM
Xiisad ka dhex oogan Ukraine iyo Ruushka
November 28, 2018 - Written by Cabays

Cabays.media  Ruushka ayaa maanta sheegay in go’aanka Ukraine ay kusoo rogeyso xukun milatari ay hogaamin karto inay sii kacdo xiisadda colaadeed ee Bariga dalka Ukraine.

Talaabada Ukraine ay kusoo rogeyso xukunka milatari ayaa timid kadib markii ciidamada Ruushka ay Badda Madow ku qabsadeen saddex markab oo Ukraine ay leedahay.

Baarlamanka dalka Ukraine ayaa isniinti ansixiyey xukunka milatari oo ka dhaqan-galaya 10 ka mid ah 27-ka gobol ee dalkaas, laga bilaabo arbacada.

Madaxweyne Petro ayaa sheegay in xukunka milatari uu gacan ka gaysan doono in la xoojiyo awoodda difaac ee Ukraine xilli ay sii kordheyso wax uu ugu yeeray gardarrada iyo ficillada dagaalka qabow ee Ruushka.

Waxa uu intaas ku daray in Ukraine ay sii wadi doonto inay u hogaansanto waajibaadka caalamiga ah ee saaran.

Xukunka milatari ayaa socon doona muddo 30 maalmood ah.

COMMENTS