CABAYS.COM
Xiisadda Wada Hadalka Xisbiyada
December 27, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media (Hargeysa) 

Xiisadda Wada Hadalka Xisbiyada
Wada hadaladii u socday saddexda Xisbi Qaran, ee ujeedadiisu ahayd sidii is afgarad looga gaadhi lahaa arimaha khuseeya Doorashooyinka iyo Komishanka ayaa shalay qabsoomay.

Shirka ayaa waxa dhinaca KULMIYE iyo xukuumadda hoggaaminayay madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, iyagoo ay weheliyeen guddoomiye-xigeenka 2aad ee KULMIYE Axmed Cabdi-dheere iyo siyaasiga Cabdicasiis Samaale, halka ay ergada Waddani hoggaaminayeen xoghayaha guud ee xisbigaas Khadar Xuseen Cabdi iyo Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid, iyadoo ay UCID horkacayaan guddoomiye-xigeenka Cabdinaasir Buuni iyo ku-xigeenka xoghayaha guud Cabdinaasir Qodax

Sida ay warar xogogaal ahi u sheegeen Geeska Afrika, guddi hore loogu xulay inay soo diyaariyaan qodobada lagu bilaabi doono wada hadalada ayaa soo jeediyay in wada hadalada oo qabsoomi doono Axadda toddobaadka dambe 30 December lagu furi doono doodda ka taagan guddiga doorashooyinka iyo qaddiyadda saami-qaybsiga, waxaana la isku raacay in wada hadaladu furmaan oo la isu yimaado Axadda toddobaadka dambe, lagana wada hadlo labada qodob ee guddiga doorashada iyo saamiqaybsiga.

Waxa kale oo uu warku sheegay inay dood iyo xiisadi ka dhalatay soo jeedin uu xisbiga UCID soo jeediyay oo ah in kulanka dambe ee Axadda ay ka qayb galaan guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran maadaama oo qodobada lagu furayaa yihiin kuwo miisaan leh.

Xisbiga Waddani ayaa sheegay inaanu guddoomiye Cabdiraxmaan-cirro kulanka iman doonin haddii aanu ka soo qayb galayn Madaxweyne Biixi oo ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, laakiin xisbiga KULMIYE ayaa hadalkaas kaga jawaabay in madaxweyne-xigeenkii Md. Saylici uu madasha joogo, ay tahayna in la ixtiraamo. Waxaana halkaas ka abuurantay dood iyo muran dhex maray xisbiyada Waddani iyo KULMIYE.

Hase yeeshee qodobka ah in guddoomiyayaasha xisbiyadu ka soo qayb galaan kulanka Axadda lagama gaadhin wax is afgarad ah waxaanu kulankii xidhmay iyadoon laga heshiin in guddoomiyayaashu yimaadaan kulanka toddobaadka dambe iyo inaanay iman, waxase la isku raacay in labadaas qodob laga wada hadlo toddobaadka dambe.

COMMENTS