CABAYS.COM
Xildh. Qabile “KULMIYE Waxaan Leeyahay Dhabihii Xisbigii UDUB Ha Marina”
September 13, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ugu baaqay inuu xaliyo khilaaf kasta oo la soo gudboonaada, waxaanu ka digay inuu u baaba’o sidii Xisbiga UDUB oo kale.

“Xisbigii UDUB, isagoon talada dalka hayn ayuu is qabtay, kadibna uu baaba’ay waana lagu kala yaacay, Xisbi qarana uu inaga baaba’o dani inooguma jirto, Xisbi walibana inuu Xeerarkiisa raaco ayaa quman, markaas anigoo Xisbiga Waddani ah waxaan Xisbiga Kulmiye ee talada dalka haya leeyahay dhabihii uu Xisbiga UDUB maray ha marina, ee si hoose uga heshiiya wax kasta oo aad isku qabataan, Xisbiga UDUB markii uu baab’ay talada dalka muu hayn, laakiin haddii  Maanta Xisbiga Kulmiye baaba’o culays iyo jahaweerar siyaasadeed ayaa inagu soo kordhaya, maaddaama uu taladii dalka hayo”

 

Cabays news.com

COMMENTS