“Xisbigii UDUB, isagoon talada dalka hayn ayuu is qabtay, kadibna uu baaba’ay waana lagu kala yaacay, Xisbi qarana uu inaga baaba’o dani inooguma jirto, Xisbi walibana inuu Xeerarkiisa raaco ayaa quman, markaas anigoo Xisbiga Waddani ah waxaan Xisbiga Kulmiye ee talada dalka haya leeyahay dhabihii uu Xisbiga UDUB maray ha marina, ee si hoose uga heshiiya wax kasta oo aad isku qabataan, Xisbiga UDUB markii uu baab’ay talada dalka muu hayn, laakiin haddii Maanta Xisbiga Kulmiye baaba’o culays iyo jahaweerar siyaasadeed ayaa inagu soo kordhaya, maaddaama uu taladii dalka hayo”