CABAYS.COM
Xildhibaan Cali Aareeye Oo Saluug Weyn Ka Muujiyey Xukuumadda Xisbiga Kulmiye
June 18, 2018 - Written by Cabays

Hargeysa (Cabays Media)- Xildhibaan Cali Sheekh Maxamed Aareeye ayaa xukuumadda Kulmiye uu hogaanka u hayo Madaxweyne Muuse BIixi Cabdi ku sifeeyay in mid ku hafatay qorsheyaa

Sidoo kale waxa uu ayaan darro ku tilmaamay in cafiska uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u fidiyay maxaabiista oo uu ka reebay Boqor Buur Madoow.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Runtii 511 Maxbuus ayuu Madaxweynuhu habeenkii dhaweyd ee ciida cafiyay, mar walba waxa aan islahaa Buur madoow wuu ku jiraa.

Buur Madoow waa nin Boqor ah, oo sharaf leh, wixii lagu xidhay maanta muranba kama taagna, laakiin waxa ay ahayd hadii aanu marka horeba sii daynin
511-ka qof ee uu cafiyay in uu ninka ugu horeeya ka dhigo ayay ahayd Madaxweynuhu sharaf ayaana ugu jirtay” Ayuu yidhi Xildhibaan Cali Aareeye oo u waramayay eryal.

Mar la waydiiyay bal dhismaha xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uga baxay waxa uu ku jawaabay “Walaahi waxa iiga baxay la mood, noqonse wayday, waxa aan moodayay dawlad Fag-fag badan, oo markii ay waanu idinka raynay lahaayeen Waddani, inuu hadhuudhlaha lagu darayo oo uu habaaska na cabsiinayo ayaanu u haysanay, laakiin nimankii oo dhaqaaqiba waayay, walina bur caleen lehba way ka soo durdurin waayeen.

Miisaaniyad yar baa xukuumadii dhamayd loo dhiibay ayay ku mashquushay, sicir bararkiina halkiisii ayuu marayaa, xukuumadii iyo kuwii yaryaraa ee sarrifleyaashuna way kala rooraanaan waayeen” ayuu yidhi

COMMENTS