CABAYS.COM
Xilidhaan Dhakool oo raali galin la diyaar ah si uu xadhiga uga soo boxo & masuuliyiin ay isku deegaan yihiin oo uu fariin soo faray
June 14, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Hargeysa JSL) -Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo tirsan mudanayaasha Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ioo ay xukuumadu xabsiga dhigtay ka dib markii uu  maalinta xuska 18-ka May ku tilmaamay maalin madow,  ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuu raali gelin siiyo shacabka Jamhuuiryada Somaliland, isla markaana uu garowsaday in uu khalad weyn galay.

Sida ay ilo ku dhadhow xilidhibaan ka mid ah xubno xildhibaano ah oo Golaha Wakiilad JSL ka mid ah oo u kala ergeeyey xukumada iyo Xildhibaanka ay sheegayaan, in xildhibaan Dhakool uu dalbaday in xoriyadiisa loo celiyo isla markaana uu haatan doonayo inuu shacabka Jam. Somaliland raali gelin ka siinayo hadaladii uu hore uga dhacay ee uu ku weeraray xuska 18-ka May ee ay Shacabku u dabaal dagaan dib-ula soo noqoshadii xornimadii lixdankii ay lumiyeen.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xildhibaan Dhakool aad u maamisan yahay in xadhigisu sharci daro yahay, isla markaana hore u diidday in uu raali galin bixiyo, madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisuna ay ku qaldan yihiin xadhiga loo gaystay waxaanu ganafka ku dhuftay inuu xoriyadiisa helo ka hor intaan  xukun ku dhicin. Hase ahaatee maalmihii ugu dambeeyey oo xildhibaano ay isku deegaan yihiin u dhaqdhaqaaqayeen, waxa uu haatan diyaar u yahay in uu raali galin uu xabsiga kaga soo boxo uu bixiyo.

Dhinaca kale, shacabka Somaliland waxa raali gelin buuxda oo u muuqata mid horu  dhac u ah ta Xildhibaan Dhakool,  ka siiyey hadaladii xildhibaankaasi ee la xidhiidhay 18-ka May, iyaga oo sheegay inay wakiil kaga yihiin xildhibaanka oo ay is arkeen,

Masuuiyiinta raali galinta bixiyey ee Xildhibaan Dhakool isku hayb yihiin waxa ka mid ah Wasiirkii hore ee cadaalada Somaliland, Axmed Xasan Cali Casoowe, waxa uu yidhi ” Shacabka Somaliland ayaanu ka mid nahay waxaanan cadaynaynaa inaanay 18-ka May ahayn maalin madow balse ay tahay maalin ay isku yimaadeen dadka reer Somaliland oo ay wada dhisteen dawlada , qiime weyna ku leh shacabka Somaliland waxaanan beesha afkeeda ku bixinaynaa inaanay 18-ka May munaasib ku ahayn maalin madow ee ay tahay maalin ay umadu nabadeedii saxatay.”

Xil

Sidoo kale waxa uu sheegay inay iska arkeen xildhibaan Dhakool isla markaana raali gelin siinayaan shacabka Somaliland  – “Hadalkii ka soo baxay xildhibaanka waanu ka raali gelinaynaa shacabka somaliland anaguna xildhibaanka waanu is aragnay sidaas ayaanan u soo gudbinaynaa shacabka.”

Lama ogo waxa hadda soo laba kiciyey arinka Xildhibaan Dhakool oo u muuqday mid shacbigu ku ilaaween xabsiga, inkastoo masuuliyiin iyo xubno kale oo aad u culus u doodeen, kana soo horjeesteen qaabka loo qabtay. Waxase muuqata halka adag ee xukumadu iska taagtay arinka Dhakool in uu keenay dareen ah in aan loo dul qaadan karin aflagaada noocaas ah ee ku wajahan maalin xurmo ka mudan shacbiga JSL oo ah maalin ay soo afjareen colaado daashaday.

Waxa la eegaa in xukumadu ka aqbasho raaligalinta iyo in uu isaguna ku sii nagaado Somaliland iyo in xilka laga xayuubin doono, iyo sidoo kale iinuu dalkaba iskaga boxo, walo dano badan oo shaqsi ku qabo JSL mudadii uu xildhibaanka noqdayna waxa uu ku jiray nolol aad u wanaagsan oo uuna kaba haleelin in uu tago deegaanada uu xildhibaanka u yahay, mararka qaar mooyee.

COMMENTS