CABAYS.COM
Xisbiga Kulmiye ma Dulmiyaa mise waa Kulmiye- Hab-dhaqankiisa sheegaya
February 16, 2019 - Written by Cabays
CabaysCabays Media (Faalada Siyaasada)  –  Qorada Dareen Muwaadin:   Garabkii 3aad ee Xisbiga Kulmiye ka farcamay ilaa maalintii Kulmiye la aas aasay, ee maanta la inoo sheegay ee Garabka Badbaadinta Dumuquraadiyada Kulmiye Kulmiye, waa khilaafadkii loolanka xilalka iyo dhaqankii aynu ku ogayn xisbigaas. Waa caadooyinkii laga arki jiray.
 
Qof Kulmiye la socday ilaa aas aaskiisii oo aan joogay maalintii Huteelka Shaqaalaha Hargeysa lagaga dhawaaqay 22/05/2002- sida uu dhexdiisa isku reebo reebo iyo sida ay markastoo Gole Dhexe lee yahay shir, uu u saadaalin karaa sida hadba garabka dibada laga dhigaa ku dambayn karo,ayaa garabkii ugu miisaanka yaraa waa kan maanta ay Jaamac Shabeel iyo 2 xubnood oo kale ku dhawaaqeen.
 
Shirka Boorame ee Kulmiye waa mid ka mid ah uun kuwii hore ee sida jujuubka, nidaam xumada uu dhaxdiisa wax ku dooran jiray- midna ogow Kulmiye laguma kala boxo shuruuc u taal, xisbiga, ee waxa lagu kala baxaa kooxaysi, waana sida masku xuubka isaga reeba kolba cidii laga takhalusayo lagu reebo shirarkiisu.
 
Dib u eeg shirkii Kulmiye ee Gudoomiye Axmed Siilaanyo Burco ula cararay, si markii uu ku guul daraystay doorashadii 2003-dii uu Dr .Axmed Xuseen Ciise sheegay in xisbigu hogaamin cusub u baahan yahay, isagoo xoghayihii Arimaha Dibada ee Kulmiye ah, lagu sadqeeyey isaga iyo qaar kale,.
 
Dib u eeg sidii loo galay Cabdiraxman Cabdiqaaadir oo uu gudoomiye xigeenkii 2aad ee Kulmiye oo maanta halkiisii fadhiyo Axmed Cabdi Dheere, oo aan runtii ku fadhiyeyn sharciyada xisbiga.
Dib u eeg markii ay soo saarayeen musharaxii badali lahaa Axmed Siilaanyo, sidii loo galay Muuse Biixi, isna sidii uu u soo galay ragii yeeshay hanka musharaxnimo ee uu ug tunka weynaayeen Maxamed Biixi Yoonis iyo kuwo kale.
 
Kulmiye shirkiisa Boorame ee 23/02/2019 cid baau lagu sadqaynayaa, kol ay noqoto intaa maanta dibda laga dhigay ee uu ku jiro Cabdilaahi Geeljire ama in kale oo aynaan imika ogayn.
 
Bal taageerayaashi ha inoo kala sheegeen in Xisbigani yahay Kulmiye ama Dulmiye!
Qore Cabdilaahi Maxamed Cali

COMMENTS