CABAYS.COM
Xog Daaha Ka Faydaysa Goobta Rasmiga Ah Ee Uu Noqonaayo Saldhiga Military Ee Itoobiya
June 9, 2018 - Written by Cabays

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay suuro gal tahay in ay Saldhig Ciidamada badda ah ka dhisato Lamu oo ah Kenya kuna dhaw xadka Soomaaliya sida ay baahisay Warbaahinta Bloomberg. Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayaa dhawaan sheegay in ay dhisayaan ciidamadooda badda.

Roba Megerssa Akawak oo madax ka ah shirkad dawladda Itoobiya leedahay oo Maraakiibta iyo Logistic-kada ah ayaa sheegay in meesha ugu haboon tahay in Itoobiya Saldhig ka samaysato dekedda Lamu. Dhawaan ayaa Lamu laga siiyay Itoobiya dhul muhiim u ah ganacsiga waxaana la rumaysan yahay in Saldhiggu uu raaci doono dhulkaasi.

Roba Megerssa Akawak ayaa ku doodaya in ay tahay in Itoobiya Saldhig ka hesho dalalka ay iskaashiga leeyihiin waxaanu sheegay in ay muhiim tahay Itoobiya ilaalinta ammaanka badda cas oo ay dano badan ka leedahay.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Axmed Shide ayaa sheegay in aanu ka warqabin xogaha uu bixiyay Mr Roba, islamarkaana aanu ogayn wada hadal ku saabsan Saldhig oo dhexmaray Itoobiya iyo Kenya. Waxa uu sheegay in danta Itoobiya ee dekedda Lamu tahay ganacsi iyo dhaqaale. Waxa kale oo uu sheegay in dhawaaqa Ra’isal wasaaraha Itoobiya ee dhismaha ciidan badeed yahay suurta galnimo Mustaqbal taasna laga hadli karo marka la ogaado waxa hiigsigu yahay.

Itoobiya ayaa ciidamadeeda badda kala dirtay 1996 oo ahayd saddex sanno kadib markii Eriteriya xorriyaddeeda heshay, islamarkaana Itoobiya noqotay dal aan bad lahayn.

Source: Landlocked Ethiopia May Establish Naval Base at Kenyan Port

COMMENTS