CABAYS.COM
Xukumada Jam. Somaliland oo hakisay wadashaqayntii Qaramada Midoobay
October 26, 2020 - Written by Cabays
CabaysCabays Media (Wararka Somaliland) –  Xukumada Jam. Somaliland ayaa qoraal ay u dirtay hay’adaha Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay hakisay kulamadii iyo wadatashiyadii ay kala lahayd Qorshayaasha Barnaamijyada Qaramada Midoobay ee dhanka Somalilland.
“Wasaarada Qorshaynta & Horumarinta Qaranku iyadoo fulinaysa waajibaadkeeda xidhiidhinta qorsheyaasha horumarineed, samafalka bini’aadanimo iyo hirgalintooda, waxa ay waasaaradu wargalinaysaa in wixii wada xaajod iyo wadatashi ah ee la xidhiidhay qorshaha daleed ee UN – Hay’adaha  Qaramada Midoobay in la hakiyey ilaa iyo inta war kale ka soo baxayo. Wixii arimo ah ee la xidhiidha qodobadaas lama ogola wixii ka bilaabma maanta oo bisu tahay 25 Oktoobar sanadka 2020” ayaa sidaa lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaran Somaliland, Xasan Maxamed Cali -Gaafaadhi.
Qoraal ku qoran afka Ingiriisiga oo ay soo saartay Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland ayaa Qaramada Midoobay lagu wargaliyey ay sidoo kale lagu sheegay haddii ay wax ka qabto QM in ay agaasimaha xidhiidhka ay la soo xidhiidhaan iyagoo qaabka email ah kula soo xidhiidhay.  Waa markii ugu horaysay ee mudo ku dhawaad 19 sano oo xukumad Somaliland ah ay hakiso wadatashi ay la leedahay xukumad Somaliland ahi Qaramada Midoobay, iyadoo marxuun madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu mar albaadada iskug laabay xafiiskii wakiilka QM ee Somaliland, dalkana ka masaafuriyey kadib markii ay QM dhag jalaq u siin waayeen dalabkii xukumadii Cigaal sanadkii 2001 dii.
Hase ahaatee qoraalkan caawa la helay ee ay soo saartay xukumada Somaliland laguma sheegin sobobta ay go’aanka u qaadatay Somaliland, waxase la filayaa in ay la xidhiidho heshiisyo ay UN kula saxeexataya xukumada Soomaaliya oo lagu qoraal dhabay Somaliland.
Halkan hoose ka eeg warqada ay Xukumad JSL ku joojisay wada shaqaynta QM.
WaaImage may contain: text that says "Jamhuuriyadda Somaliland Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka (WQ&HQ) Hargeysa eopu121sssk202 To:All Agencies Cc: UNRCO Republic of Somaliland Ministry of Planning and National Development (MoP&ND) -Hargeisa The Minister ate:21olkoze Subject: Ministerial Circular Partners, The Ministry Planning National Development ulfillinit mandate coordinate development humanitarian activities implementing the development partners hereby sharing LIN Agencies, that discussions consultations country October additional inquiry, Sultan never hesitate communicate with the Director Sincerely, Coordination, Abdifatah Mohamed Ali Minister Planning National Development Director Coordination, MoPND Cc: Director General, MoPND Vice Minister, MoPND"

COMMENTS