CABAYS.COM
Xukuumada Somaliland oo ka hadashay halka ay marayso dhexaadinta beesha caalamka ee xiisada tukaraq 
June 12, 2018 - Written by Cabays

Hargeysa(Cabasy Media )Wasiirka arimaha dibbada somaliland Dr sacad cali shire oo maanta waraysi gaar ah gudaha magaalada hargeysa ku siinyey telefishanka saab ayaa ka hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin halkay marayso dhexdhexaadinta beesha caalamku ka wado somaliland iyo putland, dr sacad waxa uu sheegay  in somaliland ku taagan tahay xaduudkeeda isla markaana gobolka sool aanu u baahanay colaad dhaca

“dedaalka caalamku wado ee ah  sidii xaalada tukaraq loogu soo afjari lahaa nabad iyagyu marka u horaysa waxay soo jeediyeen afkaar ah i n xabada la joojiyo xidhiihd la wada yeesho khaastan madaxda ciidamu wada xidhiihdaan,maxabiista laga wada hadlo  daryeelkooda iyo soo celintoodaba wada hadalkana dib loo bilaabo inaguna runtii waynu ku qanacsanahay,waxay nala tahay in uu yahay jidkii loo mari lahaa sidii nabad loogu soo afjari lahaa arinkaa maanta taagan,gobolka sool uma baahna colaad iska horimaadnka uma baahna waxa uu u baahan yahay nabad iyo horumar nabadaa lagu caana maala colaadna laguma caano maalo,wadan walba waxa uu xaq u leeyahay in uu xadkiisa gaadho mar hadad xaduudkaaga joogto ma jirto cid kuula imanaysa cunfi  ama kugula dagaalamaysa arinkan waxa dabada ka wada dad dibada ah  ” sidaasi waxa yidhi wasiir sacad cali shire ”

Halkan Hoose Ka Daawo Muqaalka 

COMMENTS