CABAYS.COM
Xukuumadda Somaliland Oo Bilaabaysa Qorshe Lagu Dhisayo Guryaha Shaqaalaha
September 19, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) – Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dhulka  iyo guryeynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa, golaha Wasiirrada u soo bandhigay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha dawladda.

Wasiir Qambi ayaa faah-faahin ka bixiyey qaabka iyo nashqada  ay noqon doonaan guryahaasi, waxaanu xusay in wasaaraddu diyaarisay dhulkii laga dhisi lahaa guryaasi

Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa dood iyo falaqayn ka yeeshay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha oo noqonaya markii ugu horaysay ee Somaliland ku dhiirato in guryo loo dhiso shaqaalaha dawladda muddo ku dhaw soddon sanno .

Xukuumaddu Somaliland, iyadda oo ka duulaysa ahmiyada weyn ee shaqaaluhu u leeyahay qaranka xoojinaysana tayeynta iyo taageerada shaqaalaha, waxay arrintani fursad siinaysaa muhiimada shaqaaluhu u leeyahay dalka.

 

 

 

Cabays news.com

COMMENTS