CABAYS.COM
Xukuumadihii Kulmiye Dhabihii Saxda Ahaa Umay Marin Ictiraaf Raadinta”
July 6, 2018 - Written by Cabays

Hargeysa (Cabays Media)-Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, ayaa tilmaamay in Xukuumaddan Muuse Biixi uu Madaxweynaha ka yahay iyo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo in aanay Ictiraaf raadinta u marin dhabihii saxda ahaa, waxaanu ka waramay aragtidiisa ku waajahan qaabka ay Somaliland ku heli karto Ictiraaf buuxa.

Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Beelaha dega Gobolada Darafyadu inay Somaliland u yihiin laf dhabar loona baahan yahay in la hagaajiyo, oo laga qanciyo wax walba oo ay tabanayaan, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Xukuumaddihii kala dambeeyey ee Kulmiye dhabihii saxda ahaa umay marin Ictiraaf raadinta, mana garanayaan sida loo raadiyo, hababka ugu fudud ee Ictiraaf lagu raadin karaa, waxa weeye iyada oo lala fadhisto, cidii aynu isku tagnay 1960, oo ah Somaliya, oo aynu waliba la doodno, oo doodeena soo bandhigno, isla markaana garteena ay Somali dhagaysto, sida Somalida Itoobiya, Somalida Kenya iyo Jabuuti, Dawladdaha ugu horeeya ee arintan goob joog ka noqonayaana waa inay noqdaan Dawladdaha  Geeska Afrika,waxaynu inagu meesha u galnay may ahayn wax kale ee waxay ahayd in Somalida oo dhan isku keeno, Somaliduna maanta waa taas cid waliba meesheedii hagaajisatay, inagu waxaynu ku dacwiyeyno waa inaynu dalkeena iyo Somaliland hagaajisano, Somaliyana dalkeeda hagaajisato, haddii ay is af garano Somaliya oo aynu qancino, Caalamkuna uu ina ogolaanayaa, oo uu ina ictiraafayaa, oo Caalamku wuxuu leeyahay idinka ayaa isku tagay markii hore ee imikana wada hadala, oo noola kaalaya waxaad isla ogoshihiin”.

Siyaasi Buubaa mar uu ka hadlaayey Beelaha darafyada  ayaa yidhi “Beelaha darafyadu  waa laf dhabarta Somaliland haddii aanay ku jirin Somaliland, Somaliland wey kala dhantaalan tahay, xuduudkaas aynu imika doonayno in la gaadhana waa xuduudkii Somaliland, waxaana la isku ictiraafa Dunida iyo Dawladdaha Afrikaan waa xuduudihii ay ka tageen Dawladdihii Guumaysigu, markaas qaanuun ahaan,waa lagama maarnaan inay Sool oo dhami ka mid noqoto Somaliland, haddii ay Sool Somaliland ka baxdana waa tusbax furmay Somaliland”.

Siyaasi ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, ayaa sidoo kale xusay in Beelaha Darafyada iyo Beelaha kala ee Somaliland xaq u leeyihiin inay helaan waxa ka maqan, waxaanu tilmaamay in qodobadii ka soo baxay Shirkii Garxajis inay yihiin qodobo xaqiiqo oo ka hadlaya xaaladda ay Somaliland maanta marayso.

Xigasho : Wargeyska Geeska Afrika 

 

COMMENTS