CABAYS.COM
Xurgufta Carbeed: Godoominata Qatar iyo u Kala Garbinta Gulufka Carbeed – Sidee loo kala saftay?
June 8, 2017 - Written by Cabays

Cabays

 

Godoominata Qatar iyo u Kala Garbinta Gulufka Carbeed – Sidee loo kala saftay?

 

Xulifada Sucuudiga: Sida ay qabaan Qatar waxay martay marin ka duwan kii ay ka doonayeen quwadaha Gacanka ee Sucuudigu ugu tun weyn yahay, waxaana loo degay shax lagu soo celinayo xayndaabkii wada jirka ahaa ee ay wadamada Gacanku isku siyaasada iyo wadaag aragtiyeed kaga soo wada horjeedeen dalka Iran oo haatan dagaal dahsoon iskaga soo horjeedaan dalalka Suuriya iyo Yemen. Qatar waxa ay la kacday laab ay isku muujisay in ay ka maarmi karto xulifadii Gacanka ee ay ku jirtay, godoomintuna waa cashar la barayo cida ay ka maarmi karto iyo cida ay ku tiirsan karto. Hase ahatee eeda loo soo jeediyey ayaa ah mid aan loo yaraysan oo halka caalamka ugu daran lagu shaambadeeyey – waa taageerista argegexisada iyo ururada loo aqoonsaday in ay yihiin argigixiso ee haddan ay isla dalkaasi hore u taageeri jireen, sida ururka ka taliya Jiid-Qasa ee Falastinii ee Xamaas la yidhaa iyo ururkii dalka Masar xukunka laga riday ee Akhwaani Muslimiin. Waa eedayno xajiimaysan oo xakamayn caalami ah ku keeni kara.

Xulifada Sucuudigu waxay caroog u tumeen dalkastoo ay saamayn ku lee yihiin siyaasadiisa si ay ula saftaan – laakiin dal kastaa lama safan.

Qatar

Qatar:  Hogaanka Doxa waa mid la amakaagay go’aanka Xulifada Sucuudigu ku qaateen in ay godoomiyaan, hase ahaatee wey og yihiin sobobta ay talaabadaa u qaadeen. Qatar wey ka siyaasad duwan tahay marka ay noqoto dagaalka Suuriya iyo macaamilka dalka Iran.  Qatar oo ka lee xatay marinkii siyaasadeed ee ay isla qaateen wadamada ku bohoobay golaha Gulf Cooperation Council (GCC) waxay qaaday talaabooyin cadho galiyey Xulifada Sucuudiga -waana ta ah in Qatar xidhiidh la yeelato dalka Iran oo dano ka weyn ka ay Sucuudiga la yeelan karto dhanka dhoofinta gaasta tayada saraysa ee ay hiigsanayso in ay Yurub u iibgeyso-  Qatar go’doonka la galinayaa waa mid ay ka xarbiyeyso oo ay xeelad ay kaga horayso Sucuudiga iyo Xulifadiisa kaga xadhka goosan karto. Hase ahaatee jawaabta ugu horaysa ee ay ka bixin karto talaabadan Xulifada Sucuudigu waa iyadoo raadisa cid ay ka magansato saamaynta godoominta oo burbur ku keeni karta ku xidhanka caalam ay kaga maaranto saaxiibadii ay hore shaarbaha iska dhunkanayeen.

Ka socokow culays dhaqaale iyo bulsho ee Qatar dareemayso durba, wax kaga wey tiiyoo aduunku isku bahaysto, arinkeedana la geeyo Qaramad Midoobay, qaraarna laga soo saaro talaabadii laga qaadi lahaa. Arinkaasi waa mid Sucuudigu jeclaa, laakiin waxa sida ay qabaan khabiirada darsa siyaasadaha dalalka Gacanka Carbeed, kulama deg degayaan Golaha Qaramada Midoobay , waayo waxay og yihiin in codka ‘ Diidmada Qayaxan (veto power) ee Ruushku kala daadin karo in QM qaraar lagu ciqaabayo Qatar lagu soo rogo.

Dalka Qatar waxa kale oo ku wajihi karaa Xulifadada Sucuudiga adeegsiga awoodooda maal-gashi ee Yurub ay ku lee yihiin iyo xidhiidhka madaxda Yurub oo marna isku mowqif ka yeelan karin arinkan Qatar oo ku qotoma xidhiidh la yeelashada Iran ee Qatar . Dalalka uu Jermalku ka midka yahay waa kuwa ay Qatar isku halaynayso, waana dalka ugu saamaynta weyn Yurub. Sidaa awgeed Qatar waxa ay bilowday in ay saf kale oo dhankeeda ah ku wajahdo Xulifadada Sucuudiga oo ula dhaqmaya sidii dal yar oo ay qoorqaban karaan.

Thr

UK: Xulifada Sucuudiga ayaa maanta farta wadnaha ku haya haddii doorashada maanta uu ku guulaysto Jeremy Corbyn oo Labour ka ah, waayo miisaanka cadaadiska siyaasadeed ee Britain saari lahayd Qatar ma ahaanayo sidii ay rabeen xulifada Sucuudigu. Eedaha ay Xulifada Sucuudigu u sooo jeediyeen Qatar waa mid si weyn u soo jiitay saxaafada iyo shacabka UK, waayo weerarada argigixisada oo raadkoodii qoyan yahay oo falala midiyo dhiigle ka iyo is miidaamin ka dhaceen magaalooyinka Manchester iyo London. Taa waxa u dheer boqorka Qatar waxa uu dhan daris kula yahay London boqorada UK, oo ku lee yahay guryo meel aan ka fogayn xarunta weyn ee boqorada UK ee Buckingham Palace. Markaa waxaanay liqi karin in boqor Carbeed oo maalgaliya ururo argagixiso uu dalkoodana maal-gashado, sida daarta dheer ee Shard ee 95 dabaqadood ka kooban oo ka mid ah astaama London oo ay ku faanaan Reer Qatar.

Dhanka kale xusbiga ay hogaamiso Theresa May oo ka aragti duwan ka Shaqaalaha ee uu hogaaminayo Jeremy Corbyn , waxa godoominta Qatar ay  daaha ka rogtay sida xukumada Theresa May iyo Sucuudigu iskugu maran yihiin, isla markaana isku halayn badan ka qabaan in haddii dib loo doorto la cadaadin doonoto Qatar. Hase ahaatee Qatar ma noqon karto mid ay marsadaan Xulifada Sucuudigo siyaasadahooda igayoo sida shaabuuga u isticmaalaya dalalka ay madaxtooda gacanta ku hayaan, sida madaxweyne Donlad Trump oo isku halayn badan hadana lahayn.

TrumArb

USA: Xukumada Donald Trump oo laba af ku hadlashay, mid Trump iyo Twitter-kiisa ah iyo Wasaarada Arimaha Dibada oo ku baaqaysa dajin xaalada. Hayda FBI ee USA oo kicinta arintan ku eedaysay Maleegayaal Ruush ah oo ka madaxbanaan dawlada Ruushka ee dhanka Internet-ka (Hackers) in ay abuureen warar beena oo ku xidhiidhinaya Qatar in ay maalgaliso ururo argagixiso qoran sida Akhwaanu Muslimiin-ka, Xusbulaha Lubanaan iyo Xamaas iyo kuwo kale. Hase ahaatee awooda Xulifada Sucuudiga oo ku qotonta aduun maal-gashi ayaa saamayn laxaad le ku yeelanaya madaxweyne Trump oo isaga ay hagto meeshii lacagi taal. Malaayiintii dollar ee heshiisyadii uu Sucuudiga la soo galay markii uu booqday, waa kuwo cadaadis ku ah in Trump la safto Xulifad, qaybna ka noqdo cadaadis saarka iyo dhaleecaynta Qatar ay la rabaan Xulifada Sucuudigu. Donald Trump ayaa la filayaa shirkiisa jaraa’id ee ay wadad yeeshaan madax shisheeye oo uu ku qaabilo Aqalka Cad ee uu ka taliyo in ay qayb ka noqontooto in uu si badheedh ah u weeraro Qatar. Trump uma muuqato xerda milatari ee Bariga Dhexe ugu weyn ee ay ciidamadiisu ku lee yihiin in ay Qatar ku taal, waxase kala weyn Qatar oo Iran la xidhata iyo dalabka Sucuudiga ee ah in uu qoorta la qabto Qatar Xulifada. Saraakiisha miliatari ee Maraykanka ayaa talaabada Trump ee dhaleecaynta cad ee Qatar  ula muuqataa mid halis ku ah awoodooda milatari ee Bari-ga Dhexe, waayo Qatar waa xulifo aanay ka maarmi karin saldhiga ay ku lee yihiin oo dul hoganaya dalka Iran.

Maraykan waxa u yaal in uu Xulifada Sucuudiga tooda yeelo oo Qatar la godoomiyo ilaa iyo inta ay ka ka laabanayso xidhiidhka furfuran ee Iran iyo ogolaan shaha in beeb gaas u maro dalkaas Iran oo Maraykan iyo Sucuudigu isku xulifaysteen in ay wiiqaan awooda kobcaysa ee Iran ka muuqata.

Ruushka: Wasiirka Arimaha Dibada ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay dhigiisa Qatar, waxaanu ugu baaqay in xaalada dejiyaan oo wada hadal ku furdaamiyaan khilaafka wadama ay isku gacanka yihiin, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Ruushku maalgaliyo ee RT. Hase ahaatee Sergei lama xidhiidhin Xulifada Sucuudiga, taas oo tilmaamaysa dhanka Ruushku uu jiro. Ruushku kama hadal eedaha FBI Maleegayaasha (Hackers) Ruushka ee ay u sibir saareen in ay sal u yihiin khilaafka iyo samayska warbixino aan jirin. Ruushku waxa uu ka faa;idaysan doonaa khilaafkan, isagoo isku muujin doona in ay Qatar la hayaan, si ay ugu soo xero galiyaan xulifada Iran iyo Ruushka ee kooban ee iyaguna dhankooda ka difaacanaya danaha ay ku lee yihiin Bariga Dhexe.

Erdo

Turkey: Recep Tayyip Erdoğan oo qaatay siyaasad cad oo uu ku difaacayo Qatar – ilaa uu ciidamo u soo dirayo ku suntan xasilinta gobolka iyo tobo barista ciidamo Qatari ah. Tayyip Erdogan waxa uu u arkaa in weerar lagu qaaday xulifo ay Carabta ku lee yihiin  iyo dal ay isku si u wada arkaan furdaaminta xaalada adag ee Suuriya iyo Yemen oo ah laba dal oo ay si dadban ugu hirdiyayaan Iran iyo Xulifada Sucuudigu.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Qatar oo ku dhawaaqay in ciidamo Turkey ah dalkiisa imanayaan  iyo golaha wakiilada ama baarlamanka dalka Turkey-ga oo ansixiyey ciidamo ay u diraan dalka Qatar – waa astaan muujinaysa sida ay iskugu dhawo yihiin Turkiga iyo Qatar. Isku dhawaan shahaa waa mid ku xididaysan ilaa iyo xiliyadii uu Erdogan la xarbiyey in uu hantiyo hogaanka dalka Turkey-ga iyo taageeradii niyada ahady ee hogaanka Qatar kaga jawaabay markii  xubno ciidamada Turkey-gu isku dayeen in ay inqilaabaan. Erdogan waxa uu la ehel yahay Akhwaan Muslimiinta Masar iyo ururka Hamas oo ha ururo-diineed oo wadaniyad ka sokow salaanka siyaasada ku soo galay hanaanka dumuquraadiga ah oo dadku toos u doorteen, balse wadamada Reer Galbeedka iyo dalka Sucuudigu aanay garoowsanayn doorashadoo. Qatar oo iyadu farqadaha diimeed ee siyaasadaysan ee aan ahayn kuwo Wahaabiga oo Sucuudiga laga hago, iyadu taageerta ayaa Erdogan u yahay halyey ay isku halayn karaan oo ay abaal-gashadeen. Waana ta keentay in Erdogan ka badheedho in aanu taageerin ficilka Xulifada Sucuudiga.

Turkigu waxa kale oo uu og yahay in uu Qatar u noqon karo marinka ay marto gaaska Qatar ee Yurub loo iibgeynayo, kaas oo Iran sidoo kale iyaduna tahay ta ay Qatar danwadaagta kula tahay. Turkey-gu wuu og yahay in aan arinku ahayn Qatar oo argagixiso taageerta, waase kala jiidashada cidii cid kale dhabarka saari lahayd, sida Iran ama Sucuudiga oo iyagu Bariga Dhexe ka ah dab-shidka hocinaya dagaalada min Suuriya ilaa Yemen. Turkey-gu waxa uu ku khasban yahay in uu la safto Qatar, kama cabsi qabo Xulifiada Sucuudigu in ay xidhiidhka u jaraan mowqifka taageero ee Qatar uu siiyey awgeed. Turkey-gu waa xidhiidhiye Barriga Dhexe iyo Yurub, waana hoyga qoxootiga ugu badan ee ka yaacay Suuriya, kuwaas oo sida hubka u adeegsan karo haddiiba Yurub la safato Xulifada Sucuudiga, oo uu ooda ka qaadi karo kumanaan u heelan in ay Yurub uga soo gudbaan dalkaasi, balse uu haatan horgoogo. Difaacida Qatar  ee Turkey-gi ma noqondoonto mid uu gooni ku noqon karo, sidoo kale Iran ayaa iyaduba la safanaysa Turkey-ga, iyadoo aan dagaal ku difaacina wax ay irida u furaysaa dhamaanba isticmaalka Qatar ay isticmaali karto hawadeeda iyo dekedaheeda.  Waxa Turkey-ga uga muuqda Qatar dano aan sahlanayn, dacal saarka Qatar na waa mid daah-saarnaan karin.

fARSomalia: Farmaajo oo Turkey-gu uga digay in ay Xulifada Sucuudiga la saftaan hawaadana u diidaan diyaarada Qatar- Dhex-dhexaad qaadasho ku eekaaday. Waa go’aan ilaasasho dano laba waji leh oo mid Xulifada Sucuudiga iyo Turkiga raali galinaya. Farmaajo wuu ogyahay in xaalku yahay xiligii dhex-dhexaadnimadu aanay dhana u ridi karin marka loo eego dalkiisa oo ah dal iska daa in uu wax ku taro mid kale, isagii ay ilaalinayaan ciidamo shiisheeye. Ogowna haddii uu xataa madaxweyne Farmaajo rumaysto in Qatar ay Alshabab taageerto, qaadan maayo talaabo uu Qatar iskaga fogaynayo, sobobo badan oo uu og yahay oo ka muuqata xaalada xukumadiisa itaalka daran ee aan kali taagnaan karin.

Kuwait: Eragadii ay ka gashay xurguftii Masar iyo Jordan ee sanadkii 1972 oo mid ka weyn ka dhex wada Xulifada Sucuudiga iyo Qatar – laakiin dhex-dhaaxdinteedu miisaan kii hore ma laha. Kuwait haddii arinku sii jiitamo waxa suurto gal ah in ay Sucuudiga dhinaca saarto, sobobtoo ah Kuwait waxa ku maqan abaal hore oo ah markii uu Sadaam Xuseen qabsaday oo Sucuudigu noday kii ku qanciyey in Maraykanka iyo xulifadiisii u soo gurmadaan. Kuwait oo dagaalkii Saddama ku qabsaday ku baabiiyey malyuunad lacageed iyo hanti qaran oo dhaqaale ahaan xoojinayey heerka Kuwait ee dhaqaale, waxa dhaxda u xidhay xiligaa in uu kabo dalka Sucuudiga, inakstoo hanti-dii dibada u taalay ay Kuwait ahayd mid badan, haddana ma ahayn mid keeni karaysay in kumanaan ciidmo Reer Galbeed ah gurmad ugu yimaadan oo ay ka saaraan dalkaasi quwadii jiidhay ee Saddam Xuseen– waa dagaalkii ay u bixiyeen Operation Desert  Shield.

Kuwait se waxay k udadaashaa in ay kolaba labadii wadaan ee Carabeed ee is qabta ay dhexdhexaadiso, tanise waa tii ugu adkayd.

UAE: Oo diyaariyey liis dunuubta ay kula coloobeen Xulifada Sucuudigu dalka Qatar- waxa kamid in ay Alshabab ta Somalia ka dagaalanta maalgaliyaan qodobada Qatar ku eedaysan tahay.

 

Bahrain: Qofkii dalkaa jooga ee muujiya in uu Qatar u garaabayo ama taageersan yahay siyaadeeda in sharciga lala tiigsanayo – Facebook, Twitter iyo mareeg kale in qoraal Qatar lagu taageerayo qof soo galiyaa waa dambi.

Pakistan: Shidaalka gaasta ee ay ka ibsato Qatar oo ay sii wadayso, Islamabad waxay gaashaanka u daruutay cuna qabataynta Xulifada Sucuudigu Qatar ku soo rogtay, waxayna sheegtay Pakistan in aanay ahayn mid UN-tu soo rogtay

GIO

Djibouti iyo Chad: Waa 2 dal ee kali ah ee Afrika hoos u dhigay heerkii xidhiidhka dublamaasiyadeed ee Qatar raali galin ay u muujinayaan Xulifada Sucuudiga awgeed. Qatar inta ay Djibouti dhaqaale ahaan taageertay Sucuudigu ma taageerin. Xiligii DP World ay is-qbateen ee maxkamada London la isla tagey Sucuudigu Imaaraadka ayuu qoorta u qabtay Djibouti, hase ahaatee danta Djibuuti ayaa ku xidhan in ay Xulifada taageerto. Waa siyaasda uu Ismaaciil Cumar Geele ka yahay dilaalka, aadna wuu u yaqaan sida la isku daad-raaciyo xiliyadan, waana madaxweyne saadaalin kara halka ay sal dhigan karto haddiiba dhan loo bato. Sidoo kalena IOG waa nin shabaha madaxda Carbeed oo male mucaarid iyo hay’ado dawladeed, sida baarlaman uu talo kula noqonayo, waxaanu is-xisaabiyaa in uu sidooda yahay amiir leh dal meel haboon ku yaal oo wada martiyin kara dawlado isdiidan, sida saldhigayad milatari iyo dekedaha uu dalkiisa uga ogolaaday in ay ka dhistaan dawlado aad u loolamaya dhan walba,

Dalka Chad waxa uu dhaqaale kabis ah ka helaa Sucuudiga, waanu ku khasban yahay in uu u dhago nuglaado si aanu wax u waayin.

Libya, Tunisia, Marooko iyo Sudan:  Dalalkaasi wey diideen in ay Sucuudiga ku daba faylaan weyna  cadeeyeen in aanay dhana raacayn, walaa  Qatar walaa Xulifo Sacuudi, kana odaytaynayaan xaalada. Waa dareensanaan in Xulifada Sucuudiga godoomintoodu halka ay salka ku hayso.

EU: Oo cabsi ka qabta in xurgufta siyaasadeed ee Qatar iyo Xulifada Sucuudigu saameeyo dhaqaalahooda, dhex-dhaxaadina soo jeediyey. Siraha u soo baxay  Xulifada Sucuudiga oo ay dalbadeen in aad loo eego xaqiiqadooda. Dalka Jermalka ayaa ugu horeeya dalalka Qatar ka quudaraynaya in gaastooda soo gaadho si ay ta Ruushka uga maarmaan. Sidaa dadrteed wadamada Middowga Yurub (EU) dhana la safan maayaan, waxayse bilaabayaan in ay galaan kaalin ka duwan ka uu Donald Trump ka ciyaarayo khilaafkan dalalkan hodansan ka dhex holcay  is-muquumin ku salaysa anaguun lana safo.

mAP

Somaliland: Imaaraadka halkuu maro ayey mari lahayd, laakiin wali macada xukumada mowqifkeedu, waxayse ku jirtaa dhaka-faar siyaasadeed dhankii ay wajihi lahayd! Hase ahaatee arinta ugu weyn ee Somaliland hortaala ayaa ah,  Somaliland Xulifada Sucuudiga oo ay ku jirto Masar waa mid ku adag in ay iska taageerto  xulifo dalal jiritaankeed diidan oo si cad uga soo horjeeda. Arinka kale ee meel adag dhigayna waa iyadoo dalka ay Somaliland kala lushaan ee Somalia oo qaatay mowqif la mid ah ka dalal Carab ahi ka qaateen xurgufta wadamadan Gacanka. Taageero ay dhan taageerto ama dhex ka noqotaa, waxa falan-qeeyayaasha arimahani u badan yihiin in siyaasada dhex dhexaadnimadu tahay ta laba dhan ka qoslin karta marka dalku yahay mid saamaynta siyaasadeed ee uu lee yahay ayna baaxda weynayn. Haddiba ay Somaliland qaadato go’aan ay ku raacdo Xulifada Sucuudiga, iyadoo arinka DP World eeganaysa, Qatar diyaaradeedu marinka hawada ee lagu khasbay oo ay ku jirto ta Somaliland kama waabanayso in ay marto, waayo ma jiro wax ay kaga baqataa iyada iyo Somalia, inkastoo ay Qatar dabri karaan sharciyada duulimaadyada ee caalamnku haddii hawo dal loo diido. Somaliland waxa ugu haboon in ay ka aamusto xaalada, waayo khilaafka Carbeed dal kale oo aan Carab ahayn, sida Somaliland oo ay u dheer tahay aqoosni-caalami ah oo aanay hayn, waa waxyeelo mustaqbal u ooli karta, meelna loogu gunti karo.

 

Anw-SiyaDib u raac taariikhda: Ha ku dagan wadamo Carbeed oo is haya, iyagaa iska keen xiga, Sucuudiguna naf uma ahayo bulshada Soomaalida guud ahaan, waxay ku taageertaa waa fahan la’aan siyaasada aduunka ama dahana u gaarka ah – Ta kale taariikhda ayaa ina faraysa u kala hiilinta wadamada Carabta waxa ay aakhirka dhasho. Tusaale ahaan sanadkii 1972 kii markii xukumadaha Masar iyo Joran xidhiidhka kala goosteen, wadaamada Carabtu wey la kala safteen, inakstoo xooganayd Carabnimadu oo ay badi dhex ka noqdeen khilaafkaas , haddana wadamadii Jordan raacay waxay la kulmeen culays kaga yimid dhankii kale . Sidoo kalena sanadkii 1979-kii markii madaxweynihii Masar, Anwar Sadad uu u badheedhay in uu nabad la qaato dalka Israa’iil, waxa ka mid ahaa wadamadii ku taageeray Soomaaliya oo uu hogaaminayey Janaral Maxamed Siyaad Barre . Taageeradii uu  umuujiyey go’aankii Anwar Sadad iyo go’aankiisii uu Israa’iil kula heshiiyey, waxay galisay Soomaaliya xiligaas xaalad siyaasadeed oo albaabada lagaga dhigay talis kii Afweyne oo ujeedadii uu ka lahaa taageeradaasi ka dhicisowday, taas oo ahayd in dalka Maraykan ka helo taageero dhaqaale iyo milatari. Jeneraal Maxamed Siyaad Barre waxa uu la kulmay ciqaab Carbeed taageeradii uu Anwar Sadad ku taageeray. Sida ay qeexayaan qormooyinkii laga qoray bishii March sanadkii 1979-kii Jeneral Siyaad waxa uu Masar isku-daad raaciyey waxa ugu weynaa isagoo u arkayey xulifo ay Somalia leedahay maadaama Carabi sidaa u taageerin dagaalkii uu ku kiciyey Itoobiya oo quwad jabiyey taliskiisii awooda balaadhsanayey.

Talaabadii uu qaaday Jeneraal Siyaad waxay ina baraysaa in aan Carab loo kala hiilin. Sida se loola kala saftay Xulifada iyo Qatar waa mid muujisay in dan-raacu hogayo hadba dhanka raaca dhanka kale. Eedaha Qatar la huwiyeyna waa kuwo ay ku dadan yihiin dano Xulifada Sucuudigu lee yihiin oo Doha ula kacday Tehraan oo ah caasimada Iran xili uu oogan yahay dagaalkii ugu weynaa ee Sucuudigu ku kiciyo Iran, isagoo haddana aan dagaal fool-ka-fool la galin Iran, balse mid dadban ku la jira. Qatar cidlo lagama heli karo, kala safshaduna waa bilo dagaal cusub oo diblamaasiyadeed ka sii dhex holca Qatar iyo muquumiyeyaasha  uwada tashaday.

Halkase ay sal dhigi doontaa waa Qatar oo mudo qirinqiir ku jirta, balse aakhirka la heshiisiiyo dhanka waeerarka ku soo qaaday.

 

Qore C/laahi Maxamed Cali

London -UK

 

 

COMMENTS