CABAYS.COM
Xuskii ugu weynaa ee 18 May ee UK oo sanadkan Lodon ka dhacaya
May 9, 2018 - Written by Cabays

 

CabaysCabays Media (London UK) Xuskii ugu weynaa ee sanado ka dhaca dalka UK ayaa lagu qabanayaa magaalada London, kaas oo loo qaban qaabiyey qaab wada jir ah oo ay iska kaashanayaan urur bulsheedak Somaliland ee SSUK iyo taageerayaasha hirgalinta Xasan Xoog Sports Centre oo laga dhisayo magaalada Hargeysa, kaas oo ah garoon Kubada-kolayga oo fikirkiisa leeyahay ciyaar hayankii weynaa ee u ciyaari jiray Gobolkii Waqooyi Galbeed ee xiligii wada jirka labada dal ee Somaliland iyo Sommalia, sanadihii 1980-kii, Xasan Maxamed Xoore, Xasan Xoog.

Xafladan ayaa la filayaa in ay ka soo qaybgalaan dadkii ugu badnaa ee UK ku xusa xaflada 18  May habeenka Sabtidu soo galayso ee bishan May 11 keeda ee Jimcaha, kaas oo lagu qabanayo Harrow Leisure Centre oo qaada dad aad u badan.

Xafladan waxa ka soo qaybgalaysa Marwo Dr. Edna Adan Ismaaciil iyo xubno xukumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka mid ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Jamuuriyadda Somaliland, mudan Cawaale.

Halkan hoose ka eeg macluumaadka Xuska 18 May ee London iyo fanaaniita ilaa hadda la og yahay ee habeenkaa ruxaya

Xassan Xoog

received_10215066761037799

COMMENTS