CABAYS.COM
Xuutiyiinta Yemen Oo Sheegtay Inay Qabsadeen Fadhiisimo Gudaha Sucuudiga Ku Yaalla
May 26, 2019 - Written by Cabays

Najraan (Cabays Media)- Telefishinka Al-masiirah ee ku hadla Codka Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa baahisay inay Maleeshiyaddu la wareegeen 3 goobood oo ka tirsan Degmadda Najraan ee Koonfur Galbeed Sacuudiga, kuna dhow xuduudka dalka Yemen.

Maleeshiyaadka Xuutiyiintu waxay sheegeen inay iska hor yimaadeen Ciiddanka Dowladda Yemen ee ku sugan Xuduudka Najraan, halkaasina ay ku dileen Taliyihii Ciiddankaasi iyo Askar kale, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale, Maleshiyaddu waxay sheegeen inay 4 Askari oo u dhalatay dalka Suudan kana mid ah Isbahaysiga Milliteriga Sacuudiga ku dhaawaceen dagaal ka dhacay Bariga deegaanka Al-duud ee Xuduudka Sacuudiga.

Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga iyo Isbahaysiga Carbeed weli kama hadlin sheegashadda Kooxda Xuutiyiinta inay ku qabsadeen 3 goobood oo ka tirsan Degmadda Najraan ee Sacuudiga.

COMMENTS