CABAYS.COM
Ismaaciil Buubaa oo madaxweyne Muuse la kulmay maxay ka wada hadleen?
July 11, 2018 - Written by Cabays

 

 

 

 

 

 

 

CabaysCabays Media – (Hargeysa JSL) Siyaasiga weyn ee Ismaaciil Hure Buubaa oo ka mid ahaa siyaasiyiintii u ololeeyey xisbiga Waddani xiligii doorashadii madaxtooyad, isla markaana aad uga soo hor jeeday in madaxweyne uu dalka ka noqdo Muuse Biixi Cabdi ayaa si aan hore loo shaacin shalay ka soo mudhay Xarunta Madaxtooyada Somaliland, halkaas oo uu kulan kula qaatay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Siyaasi Buubaa iyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa madaxtooyadu soo daysay sawir ay wada galeen markii uu booqday Buubaa, waxaana sawirka ka muuqday isagoo Buubaa sita shanda yar ama fayl-qaad madow, taas oo la is weydiinayo qoraalada ugu jira waxa ay yihiin.

Buubaa ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ugu waa weynaa ee shirkii beeshisu ku yeelatay Buurta Gacan Libaax ee qodobadii ka soo baxay ku baaqay in madaxweyne Muuse Biixi loo gubiyo oo uu k jawaabo.
Hase ahaatee Buubaa ayaa la is weydiinayaa waxa ku jiri kara shandada madow ee u sito, waxaana suurto ah la in ay ku jiri karaan qodobadii shirkii Buurta Gacan Libaax oo Siyaasi Buubaa soo gaadhsiinayo madaxweynaha, talooyin uu isagu Ismaaciil ahaan u sido madaxweynaha, dalab ama talo Xisbiga Waddani oo uu oday siyaasi ka yahay, ama qorsheyaal kale oo mashaariiceed oo siyaasi Buubaa isagu wato ama cid kale uga wakiil yahay,  amaba waa iska faro qabsi uu siyaasiga weyni iska sitay oo sawirku ku dhacaybaa?
Halkan hoose ka daawo warbixin kooban oo ku saabsan kulanka Buubaa iyo madaxweyne Muuse Biixi
 https://youtu.be/XmQ5TaxFX28
COMMENTS