CABAYS.COM
War Deg Deg ah: Madaxweyne-Xigeenka Somaliland oo DP World ulatagey dib ugu noqosho heshiiskii hore- & DP oo dalbatay in SL dhankeeda …….
February 18, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Wararka DP & Somaliland) –  Warar xogogaal ah oo caawa soo gaadhay Cabays Media ayaa tibaaxaya in uu jiro is fahan waa- weyn oo soo kala dhexgalay shirkada DP World iyo xukumada Madaaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sida xogahani sheegayaan, madaxweyne-xogeen Cabdiraxman Saylici ayaa ujeedada uu u tagey dalka Imaaraadka ay la xidhiidhaa arin ku aroorta heshiiskii ay xukumadii Siilaanyo hore ula gashay, kaaso oo uu soo baxay in ay jirto fahan la’aan nooca heshiiska iyo xukumada Muuse Biixi oo aan hayn nuqulka rasmiga ah ee heshiiska lagula galay DP World.

Sida ilahani sheegayaan waxa Saylici todobaadkan kulano aan la shaacin la qaatay madaxda shirkada DP World, isagoo ay ku wehliyaan xubno la taliye u ah. Kulanka DP World ayaa ilahani sheegeen in uu ahaa mid iftiimiyey mugdi ku jira heshiiska, isala markaana ayna cadayn waxa ay Somaliland heshiis ku badalatay.

Dhanka Xukumada Muuse:

Xukumada Muuse Biixi ayaa hadda la sheegay in ay heshiiskii hore si weyn u saluugsan tahay, isla markaana aanay waxban ka ogayn qoraalo badan oo hore la isku weydaarsaday, kuwaas oo qeexayey heerka wada-xaajoodku soo maray iyo waxa la isla meel dhigay. Fulin la’aanta qodobadii hore bulshada loogu sheegay laba sano ka hor, ee sida balaadhinta dekeda Berbera, dhismaha wado isku xidha Berbera ilaa Wajaale iyo nooca heshiiska Saldhiga Berbera oo aan aan cadayn ayaa keenay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku rogaal celiyo DP World, doorkana u diro ku-xigeenkiisii oo hadda ku sugan dalka Imaaraadka.

Madaxweyne -ku xigeenka ayaa kulano uu la qaatay DP World madaxdooda lagu lafa guray in heshiiskii dib loo eego, siiba qodobada ay Somaliland ka faa’idayso, waxaana madaaxweyne-xigeenku la miis tagey qodobo cusub oo aan marna lagu sheegin heshiiskii hore.

Qodobada Saylici kulanka la tegey:

1- In Imaaradku kabo dakhliga xukumada Somaliland iyo inuu ka caawiyo kobcinta dhaqaalaha, iyo in Baanan Imaarad ah laga furo Somaliland, laguna xidho ka Somaliland.

2-In ay ka caawiyaan xoojinta adeegyada dhakhtarada iyo caafimaadka Somaliland

3- In Imaaraadku safka hore ka galo u ololaynta qadiyada Somaliland

Maxay kaga jawaabeen Imaaraadku?

Sida ilahani xogogaalka ahi sheegeen DP World waxa ay Somaliland dib ugu celisay heshiisyadii hore wixi ay dhigayeen, isla markaana ay weydiisay in uu Saylici sito nuqul heshiiskii hore ah, hase ahaatee uu sheegay in aanu sidan, isla markaana DP World u daabacday qodobo kuwa farta yar yar ah (Clauses) ayna Somaliland wali ka jawaabin oo ay ku xidhan tahay fulinta waxa Somaliland ka faa;idayso.

“DP World waxay tidhi dib u dheegta heshiiskii hore marka hore, waxayna madaxweyne-xigeenka siiyeen nuqulo qoraal ah oo ka kooban qodobo hore (clauses) oo aanay Somaliland saani iskula fahin, si la iskula fahmo oo fulinta” Sidaa wax yidhi xubin xogogaal ah oo ka mid ah dadka ka agdhow madaxweyne -xigeenka Somaliland, oo caawa ay ku maqan yihiin qoraalo u baahan in uu soo akhriyo, go’aana ku qaato ama dibu ugu soo celiyo madaxweyne Muuse Biixi, oo isagu laftiisu qoraaladaaa sheegay in uu u hayo Wasiir Sacad Cali Shire oo ay gacanta ugu jirto dhamaan wixii qoraalo ah ee xukuamadii hore iyo DP World.

” Waxay DP World ku canaanatay Somaliland madaxdeeda in aanay ka soo jawaabin qodobo hore oo ay sheegeen in ay darsayaan, waxayna intan uu joogay Madaxweyne-xigeenku la siiyey qodobadaas, kuwaas oo noqulkooda ay kala haystaan wasiir Sacada Cali Shire, wakiikii hore ee Somaliand ee Imaaraadka, Baashe Cumar, hase ahaatee madaxweyne Muuse Biixi hore isha u saarin” Sidaa waxa yidhi xubintan xogogaalka ah oo sheegay in uu la socodo in nuquladaas qoraalka ah ee DP World siisay uu hadda gacanta ku hayo Lataliyaha madaxweyne-xigeenku, lagana sugayo in ay jawaab ka keenaan.

Warka ka soo baxaya socdaalka madaaxweyne-xigeenka Somaliland ayaa sidoo kale sheegaya in DP World aad uga maagayso in ay fuliso heshiikii dhismaha wadda Berbera- Wajaale, kaaso oo lagu qisyaasay in ay ku baxayso lacag dhan $240 Malyuun ( 240 malyuun oo Doola), taas oo noqonaysa mid ka badan nus ahaan lacagta ay dekeda Berbera galinayso, maadama waddadu noqonayso mid casri ah oo balaadhan, aadna u dheer oo yeelanaysa biriijyo, buundooyin iyo calaamadaha wadooyinka casiriga ah.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la sheegay in la taliyaha rasmiga ah ee DP World, isla markaana uu ku aaminay dhamaan wixii qoraalo, heshiisyo ah in uu ka jawaabo uu yahay Wasiir Sacad Cali Shire oo la sheegay in uu isku diyaarinayo raac labaad ee xoojinta madaxweyne- xigeenka, Cabdiraxman Saylici.

Wasiir Sacada Cali Shire ayaa dhawaan sheegay in aanu madaxweyne Muuse Biixi ogayn nooca heshiiska Saldhiga Berbera, hadalkaas oo uu kaga jawaabayey su’aal ku aroorta waxa lagu badashay heshiiskaa Saldhiga. Wasiir Sacad ayaa kalsooni buuxda isku qaba in aanay jiri karin cid isaga ka xogogaalsan, maadaama uu gacanta ku haysto nuqulo badan, DP World se waxa ay u aragtaa wasiir Sacad Cali Shire in uu yahay shaqsiga abuuray jawiga jira, isla markaana xukumada Somaliland u haya qoraalo badan oo aanu akhriyin madaxweyne Muuse Biixi .

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka madaxweyne-xigeenka Somaliland ama madaxtooyada oo warkan shaacinaya, hase ahaatee maalmaha soo socda waxa la filayaa in ay soo baxaan warar dheeraad ah oo ku aroora heshiiskan.

 

La soco warkan wixii ka soo kordha.

DP Wolrd

 

 

 

COMMENTS