CABAYS
Geerida Marxuun Cali Khaliif Galaydh iyo wararka ku soo kordhay – Sobobta Geeridiisa & Goobta lagu aasayo oo muran ka jiro

CabaysCabays Media (Jigjiga- DDS) – Geerida Allah u naxariistee marxuun Cali Khaliif Galaydh oo ku geeriyooday magaalad Jigjiga duhurnimadii Khamiistii huteel ku yaal magaalad Jigjiga oo la yidhaa Jigjiga National Hotel, ayaa warar is khilaafsan ka soo baxayaan sida uu u geeriyooday iyo halka lagu aasi doono.

Madaxda wasaarada caafimaadka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jigjiga ayaa sheegay in uu u geeriyooday xanuunka COVID19 marxuun Galaydh, kadib markii baadhitaan lagu sameeyey

Screen Shot 2020-10-08 at 22.19.19

 

 

 

 

 

Warka ah in uu u dhintay xanuunka COVID19 waxa sidoo kale lagu faafiyey barta Facebook ee xafiiska madaxweynaha DDS, Mustafa Cumar Cagjar, kaas oo hore loogu qoray in baadhitaan lagu samayno geerida marxuun Cali Khaliif Galaydh iyo waxa sobabay.

Marxuun Cali Khaliif ayaa sidoo kale wararka qaar sheegayaan in uu u geeriyooday cunto uu ku sumoobay saddex cisho ka hor oo ku xanuusaday. Dadka qaar ayaa sheegaya in cuntadu ahayd mid lagu sumeeyey, inkastoo taa aan iyadana aan la cadayn.

Inkastoo baadhitaanka la sheegay in marxuun Cali Khaliif lagu sameeyey uu ahaa mid ay si wada jir ah iskaga kaashadeen dalwada dhexe ee Itoobiya iyo kuwa deegaanka Soomaalida, oo aanay jirin baadhitaan madaxbanaan, haddana waxa is weydiinle haddii uu marxuun Cali Khaliif u dhintay xanuunka COVID19, sidee ayey u dhacday in shaqsiyaadikii masuuliyiinta ee wasaarada caafimaadka DDS ee sheegay in ay mar walba ka war hayeen oo ay la joogeen, kuna booqdeen qolkii uu kaga jiray huteel kii uu ku jiray mudadii uu joogay Jigjiga ayna haddana dadweynaha u soo dhexgaleen, iskuna karintamayn waayeen?

Guddiga loo xil-saaray Geerida Marxuum Prof Cali Khaliif Galeydh

 

In marxuun Cali Khaliif u dhintay xanuunka COVID19, maxaa sobobay in dhamaan madaxdii sheegtay in ay ku booqdeen hutel-ka ay u yihiin dibada jooga oo aan la karantimayn, isla markaana hor yimid saxaafada goob fagaare ah oo dadku ku badan yihiin?

Geerida Marxuun Cali Khaliif waxa ay abuurtay jawi tuhun ah oo ku aroora xubno  caan ah oo sidoo kale si kadis ah ugu geeriyoday magaalada Jigjiga, kuwaas oo la tuhmay in lagu khaarajiyey, inakstoo aan baadhitaan lagu samayn dhimashada dadkaas caanka ah.

Dhanka kale halka lagu aasayo marxuun Cali Khaliif Galaydh ayaan wali la cadayn, inkastoo afhayeenka wasaarada waxbarashada ee DDS uu sheegay in iyagoo tix galinaya codsiga qoyska marxuunka iyo dawlada Federaalka Soomaaliya in maydka marxuunka loo qaado magaalada Xamar, halkaas oo loogu samayndoono aas qaran, sida ay sheegeen.

Dhanka Somaliland, Garaad Jaamac oo magaalada Laascaanood kala hadlay saxaafada ayaa sheegay in marxuun Cali Khaliif Galaydh lagu aasi doono magaalaa Laascaanood oo ah halkii uu ku dhashay. Sida muuqata mugdi ayaa saaran halka lagu aasayo marxuunka, qoyskiisuna si cad uma sheegin halka lagu aasayo. Magaalada Muqdisho waxa Raysal -wasaaraha Soomaaliya sameeyey gudi aas qaran u qabata marxuunka, inkastoo aan la garanayn sida dadka u ehelka ah iyo bulshada deegaankiisu ay u wada tagi karaan aaska Muqdisho loogu qabto, iyadoo deegaankiisa aya ahayd in lagu aaso, haddiiba aan Jigjiga ama Hargeysa oo isku dhow mid ahaan lagu aasayn.

Geerida marxuun Galaydh ayaa ah warka ugu weyn ee la hadal hayo, waxaana la eegaa halka aaskiisu ka dhaco iyo sida u uu dhaco, maadaama geeridiisa lagu sheegay in uu ku dhacay xanuunka COVI19.

Allah ha u naxariisto marxuunka oo ah siyaasi si weyn loo tabidoono.

Halkan ka dhegeyso sarkaal ka tiran ONLF oo ka hadlaya sidii uu marxuun Cali Khaliif u geeriyooday

 

Halkan taabo si aad u daawo warbixin kooban oo ku saabsan geerida marxuun Galaydh.