CABAYS.COM
Farmaajo : Dalalka kale waxay noosoo diri jireen Basaasiin
November 27, 2018 - Written by Cabays

(Cabays Media)Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uu waayay hal qof oo sabab macquul ah sheega, oo ay tahay in looga baaqsado heshiisyada dalalka Geeska Afrika “Qofka ugu sokeeya wuxuu ku dhahayaa, xilligan ma ahayn in heshiiskan la galo”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in markii hore Soomaaliya loosoo diri jiray basaasiin, balse hadda uu albaabkaas soo xirey “Waxa ugu weyn ee aan heshiiskan ka rabo ayaa ah in dadka Soomaaliyeed oo ganacsiga ku fiican ay badeecooyinkooda u iibgeeyaan dalalka dariska ah” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo uu sacan badan u dhacay.

Ma uusan kala caddeyn dadka uu ula jeedo basaasiinta, in ay Soomaali yihiin iyo in kale, waxaase muddo badan sir shaac ahayd in dalal badan ay farogalin ku hayeen Soomaaliya.

Hadalkan ayaa madaxweynaha kasoo baxay xilli dhawaanahan ay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar ay daacayeen sawirradda iyo magacyada dad la sheegay in ay jawaasiis u ahaayeen dal daris la ah Soomaaliya.

Dhanka kale madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay in dowladda Eritrea, gaar ahaan madaxweyne Isias Afewerke uu abaal weyn u hayo Soomaalida, doonayana in uu garab istaago”Wuxuu qabaa madaxweynaha in haddii aysan Soomaali ahaan lahayn ay xoriyadooda kala dhantaalmi lahayn, wuxuuna dadka u sheegaa in inta Soomaaliya dhibaataysantahay aysan xoriyadda Eritrea dhamaystirnayn”.

Dowladda Eritrea ayaa qeyb ka ah heshiiska iskaashiga dalalka Geeska Afrika.

Mar uu ka hadlay Ra’isulwaasaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayuu yiri “Aby wuxuu igu yiri, lacagtii aan haysanay oo dhan hub ayaan ku iibsanay, hadda wixii ka dambeeya halkii aan taaangiyo iibsan lahayn, cagaf cagafyo ayaan iibsanaynaa” ayuu yiri.

COMMENTS