CABAYS.COM
Gobol Maraykanka Ka Mid Ah Oo Joog Iyo Jiifba U Diiday Trump Kuna Kacay Arrin Saamayn Xun Ku Yeelanaysa Murashaxnimadiisa
August 7, 2019 - Written by Cabays

Los Angles (Cabays Media)- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo xisbiga Jamhuuriga ee uu ka tirsanyahay ayaa dacwad ku furey maamulka gobolka California kaas oo meelmariyay sharci cusub oo qasab ka dhigaya in qofka isu taagaya xilka madaxweynenimada uu soo bandhigo canshuurtii uu bixiyay.

Badhasaabka gobolkan California Gavin Newsom oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa toddobaadkii hore saxeexay sharcigan oo la sheegay in uu Jallaafo u dhigi karo rajadii Trump ee ahayd in markale dib loo soo doorto. Trump iyo xisbigiisa ayaa dacwadda ay maxkamadda geeyeen ku doodaya in sharcigan cusub uu dastuurka jabinayo maadaama uu shuruud dheeraad ah ku darayo shuruudaha uu dastuurka Maraykanku u dajiyay qofka u tartamaya xilka madaxtinimo. Sharciga cusub ayaa waxa uu kaliya khuseeyaa codbixiyeyaasha gobolkaasi California, wuxuuna mamnuucayaa in dadku aanay u codeyn karin qof aan soo bandhigin canshuurtii uu bixiyay.

Dastuurka Maraykanka ayaa saddex shuruudood ku xidhaya qofka u tartamaya xilka madaxtinimo, waxaana ka mid ah in uu yahay muwaadin Maraykan ah oo ku dhashay gudaha dalkaas, in uu dalkaas degenaa muddo 14 sanno ah, iyo in uu ka weyn yahay 35 jir.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa waxa uu ku doodayaa oo kale in sharcigan California uu yahay weerar qaawan oo lagu qaaday madaxweyne Trump, islamarkaasna uu si aan xaq ahayn uu u dhimayo fursadaha markale lagu soo dooran karo. Trump waa madaxweynaha kaliya ee aan la ogeyn canshuurta uu bixiyay, marar badan oo laga codsadayna waa uu diiday inuu faahfaahin bixiyo. Madaxweynaha kale ee sidaas yeelay wuxuu ahaa Gerald Ford sannadkii 1976-kii.

COMMENTS