CABAYS.COM
Rag Doonayay In Ay Xabsiga Kala Baxsadaan Cabdi Iley Oo Lagu Qabqabtay Magaalada Addis Ababa
August 7, 2019 - Written by Cabays

Addis Ababa (Cabays Media)- Rag La Sheegay In Ay Qorshaynayeen in ay xabsiga kala baxsadaan Madaxweynihii hore ee dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ciidamada Ammaanka Itoobiya qabqabteen sida ay ku soo warramayso warbaahinta maxalliga ah ee Addis Ababa.

Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa muddoba loo haystay falal kala geddisan oo ka dhacay deegaanka Soomaalida oo ay ka mid yihiin dilal, jidh-dil, barakicin, goobo ganacsi iyo kaniisado lagubay dacwado la xidhiidha.

Haddaba wargeyska the reporter oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa oo soo xigtay ilo xog ogaal ah ayaa maanta baahiyay in la qabtay shaqsiyaad damacsanaa iney Cabdi Maxamuud Cumar xabsiga ka sii daayaan.

Ragga la qabqabtay ayaa la sheegay iney damacsanaayeen iney qorshahooda fuliyaan 5-ta August oo ku beegneyd Isniintii la soo dhaafay marka Cabdi maxkamadda laga soo celiyo inay falkooda fuliyaan.

Afaafka hore ee xabsiga uu Cabdi Max’uud Cumar uu ku xidhan yahay ee Qaaliti oo ay shaqsiyaadkaasi gaadhi dhigteen askarta Taraafikada ayaa ka dalbaday inay meesha ka dhaqaaqaan, raggii gaadhiga watayna waa ay diideen amar ay askarta siiyeen, ciidamada oo gaadhiga ka shakiyey oo damcay iney baadhaanna waxay sheegeen iney kooxda baabuurka wadatay ay askarta rasaas isdhaafsadeen.

Dhowr ka mid ah dadkii howl-galkaasi qaybta ka ahaa inkasta oo ay baxsadeen haddana waxay ciidamadu gacanta ku dhigeen intooda badan oo ay haweeney ku jiraan.

Xilliga ay arrintani dhaceysayna Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu ku maqnaa maxkamadda dacwaddiisa lagu dhagaysanayay.

COMMENTS