CABAYS.COM
Afar arimood oo ku lamaan safarka waftiga Madax. Muuse Biixi ee dalka Guinea
July 3, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media ( Arti xul ah) — Dareen Muwaadin – waxa qoray Cabdilaahi Maxamed Cali

Afar (4) arimood oo ku lamaan safarka waftiga madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee dalka Guinea iyo caasimadiisa Conakfry.

1- Dib boodhka uga tun cusub aragti hore oo ahayd in JSL olole ka gasho wadamada aan ahayn Afrikada Bari, isla markaana ka hesho taageero ku jawahan Golaha Middowga Afrika oo arinka JSL dunida aan Afrika ahayni ku soo riixdo, siiba kuwa Reer Galbeedku. Waana safarkii ugu horeyey ilaa iyo sanadkii 2004 tii oo uu madaxweyne Daahir Riyaale oo ay waliba xiligaa ku wehelinaysay Dr, Edna Adan oo ahayd Wasiirkii Arimaha Dibada ay booqasho ku tageen dalka Senegal – taladiii Senegal waxa meel mariwaayey madaxweyne Daahir Riyaale, sida ay ii xaqiijiyeen ilo ku dhadhawaa safarka oo aan xiligaa aad ula socday (nooca talada dbibaan ka soo sheegi doonaa)

2- Socdaalkan Guinea – Conakry waxa suurto galiyey laba dhinac: Muwaadin Reer Somaliland oo saaxiibnimo dhow la leh madaxda ugu saraysa Guinea iyo qoor-qabad dhanka dalka Imaaraadka oo raad ku leh in Guinea u furto xidhiidh JSL.

3. Wasarada Arimaha Dibada JSL waxa ay dib u qaaday dariiqii siyaasadeed ee xiligii uu wasiirka ka ahaayeen Marxuun Maxamuud Saalax Fagadhe – xiligii Cigaal iyo Cabdilaahi Maxamed Ducaale – xiligii Daahir Riyaale oo ololuhu ku wajahnaa Afriika, siiba ta aan ahayn kuwa Bariga Afrika oo xiligaa gaadhsiiyey in xataa gudi xaqiiq raadin ah African Union u soo diraan JSL.

4. Cadho siyaasadeed oo Villa Somalia ka qaaday socdaalkan iyo arimo kale oo diblamaasiyadeed oo is-dabayaal noqday- Xukumada Farmaajo ayaa la filayaa in dagaal dublamaasiyadeed oo culus isku wajahaan JSL.

Faalo Guud:

Safar kastoo madaxweynuhu ugu boxo dal kale oo loo soo dhaweeyo miiqaam ka Conakry oo kale ah waa mid laga qiyaas qaadan karo hilinka ay marayso siyaasada Arimah Dibada JSL.

Mida kale ee Madaxweyne Muuse Biiixi soo celiyey waa joojinta safaradii u muuqday tamashlaynta ee Yurub, oo ay ku bixi jireen xayn wasiiro ah oo culays dhaqaale mooyee aan lahayn culays siyaasadeed – Xusuuso socdaalkii Axmed Siilaanyo ee Ireland ee in ka badan 11 xubnood ku tageen, lana kulmeen madaxweyne -sharafeed aan awood siyaasadeed lahayn ee dalka Jamhuuriyada Ireland ee horaantii bishii Oktoobar 2015kii ay caasimada Dublin ku tageen kulana kulmeen Madaxweyne Michael D. Higgins. – Safar wax ka soo bexeen ma ahayn, haddana markaa waxa loo buunbuuniyey si weyn, iyadoo ujeedadu ahayd uun in waftigu London yimaado, sii Madaxweyne Siilaanyo oo la la doonayey in London arimo baadhitaan caafimaad loo waday.

 

65516174_2253277068119467_9105127004465790976_n

COMMENTS