CABAYS.COM
Aqoonyahan Jamal Cali Xuseen Haddaynaan Hoggaamiye u Dooran – Garsho iyo Aqooneey magacaa -be
April 11, 2015 - Written by Cabays

Aqoonyahan Jamal Cali Xuseen Haddaynaan Hoggaamiye u Dooran – Garsho iyo Aqooneey magacaa -be’, Somalilandna Ma-dhalayskaa uun Bay ahaan.

Salama Calaykum

Akhristayaal waxa had iyo goor la yaab igu noqota sababta markaynu madax doorano si isbeddel cusub oo dhaama ka hore loo helo, ay u dhacdo in lagu reeyo daayoo, Ilaahoow maad kii hore deysataan waakan idiinka sii daraye.

Markaan u fiirsaday waxan ka badin waayayay inaynu madaxdeenna ku dooranno waa “HEBEL”, oo reer hebel oo uu ka dhashayna wataan. Reerka wata iyo shacabweynaha kale midkoodna isma weyddiiyaan HEBEL waa kuma, muxuu ku dhaamaa ka lagu beddelyo, muxuu inoo sidaa, caqligiisa iyo kartidiisa iyo darajada sare ee uu gaadhay, marna wax ma ugu taray guud ahaan bulshada xilka u dhiibatay.

Waxan aqaannaa rag qaarkood Illaa maanta madax inoo ah, oo wax xukuma dad iyo dalba oo magacyadooda marka la soo qaado aanu moodi jirney, Inay karti iyo cilmi ay dadka kale dheer yihiin ku gaadheen darajada, hase yeeshee, markaan la kulmay ama bartay shakhsiyaddooda, aan ogaaday inaan habeen lagu dhixin oo maamul iyo madaxnimo daayoo aan ri’ jaban lagu aammini Karin inuu ilaaliyo.

Waxa ka sii yaab badan, markay nimankaasi adduunba kharribaan ee ceeebo sameeyaan lama barto oo lagama feejignaado ee berri baa haddana ummaddu xil intiiba ka mudan ama ka sii muhiimsan u dhiibataa, iyadoo la leeyahay waa Hebel oo soo qabtay jagadaa iyo xilkaa, lama odhanayo jagada iyo xilka maxaa wanaaga ee uu ka keenay ee loogu xiisaa oo haddii mar kale xil loo dhiibto laga fili karaa,mise waa marwalba NINKII MAQASHA DAAYACAY, GEELANA HALLOO DIRO.

Waxaynu galnay waqti dadkeennii erayga “SIYAASAD”ama waxa loo yaqaan “Politics” ay u fasirteen been iyo dibindaabyo. Waqti ninba ninka uu ka afmiinshaarsan yahay ama ka musuqmaasuq badan yahay loo yaqaanno inuu ka sarreeyo ama ka ragannimo badan yahay, waqti jahliga iyo cilmiga- jaahilnimadu door tahay, waqti beenta iyo runtu aad mooddo in beentu dheerayso oo weliba qofka aad ugu badiya Jaa’isad lagu siiyo.

Anigoo aan doonayn inaan aad ugu talax tago ama cid gaara aan farta ku fiiqo,waxa marag ma doonto ah in xaaladda Somaliland maanta tahay mid u baahan In khaladyo iska daba tegey la saxo, oo cid kasta oo xeedhada wax ku lihiba furdaaminta qayb ka noqoto innagoo og in Somaliland la wada leeyahay oo ay tahay in aayo looga tago ubadkeenna dayaca badani ku dhacay, iyo in inagoo u wada dhan cisi iyo sharaf loogu wada noolaanno.

Si xalkaasi suura gal u noqdo waa in Alle la Tawakalo oo caqligu shaqeeyo, waa in runtu shaqayso, waa in cilmigu ifttiin gudcurka lagaga baxo inoo noqdo, waa in Caddaalad sugan oo lagu wada qanco min Bariga waddankeenna – ee dadkeennii ay ka door bideenba inay Somalia Caddaalad ka raadsadaan, iyo illaa galbeedka oo Salaaddiintii dhalisay Somaliland qaarkood ay qanceenba ama xaaladduba ka gaadhay in wixii ay dhisteen rassaas iyo burbur hor leh u quudhaan.

Waxa khasab ah inaynu abuurno jawi cusub oo wada noolaansho iyo caddaalad ku salaysan, taasoo marka Ilaahayna innala qabto keeni karta in nolosha qof ahaaneed, nolosha qoyska, ta degmada iyo gobolka iyo guudahaanba waddanku hore u maro.Markaas ayaa Ictiraafna la heli karaa.

Si taa loo helo qofkeenna cilmi iyo hibaba leh aan qiimaynno, maamulna u diranno, oo eegno bal inuu wax hore ku najaxay ama xirfaddiisa cilmi – mid if iyo mid aakhiroba inta ay le’eg tahay.Caalamkan aynu ku noolnahayna maalin walba horumar hor leh baa ku soo kordhaya, markaa qofka inoo rarayaa ma la socdaa horumarka joogtada ah ama isbeddellada xadhka-goyska ah ee caalamka.

Waa inaynu illowno nin 40naadkii ama kontonaadkii inyar oo uu bartay berigaa innala hortaagan una haysta in saacadda uu xidhan yahay ee RoleX la yidhaa ay tahay midda caalamka u qaalisan.

Maanta waxa innagu soo fool leh doorasho, waxaynuna kala dooranaynnaa madax cusub, oo inkastoo dad badan oo cilmi iyo caqliba lihi ka dhasheen Somaliland, haddan ragga maanta Musharaxa Madaxweyne u tartamaya waxa ka mida Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo aqoontiisa qof ahaaneed iyo dedaalkiisa uu ku najaxayba ay qireen dad iyo caalam inaga ilbaxsani, iyagoo weliba aqoontiisaa ku doortay inuu ku hago oo ku hoggaamiyo oo ay ka faaideeystaan. Jamaal muddooyinkii uu shaqooyinkaa caalamiga hayayna wuxu

sannad walba ku guulaysan jirey abaalgudka u sarreeya ee la siiyo tartamayaasha iyo maamulayaasha dhiggiisa ah ee caalamka.

Waa Muran ma doonto in Jamaal haddii uu maal adduunyo rabo, uu caalamka horumaray ka helayo, horena uga haystay, isla markaana waa nin maamulay kumannaan qof oo caalamka ku filiqsan, waa nin xirfad iyo waayo aragnimo u leh sida madaxda loo afgarto iyo habka dhaqaalaha adduunyadu u shaqeeyo, da’ ahaanna waa nin la socon kara xawliga isbeddellada adduunyada (World Dynamics).

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo maanta isagu Musharrax ah iyo rag kaloo cilmi iyo caqliba Alleh u dhaliyay laakiin aynaan weli fursad siinin kuwasoo aan ka magacaabi karo Prof. Axmed Ismaciil Samater, Muj Dr.Xasan Ciise Jamac iyo qaar kaloo badan aynu u dooranno hoggaanka Dalka, Ilaahayna InshaAllahu wuu la qaban doonaa inaguna bal markan aan in tijaabinno in caqliga iyo cilmigaa aynu sheegnay, oo aynu iska horraysiinnaa – noqdo mid aynu ku nasanno ama inoo dan ah oo aan innooga darin.

Wa Billahi Tawfiiq

Rasheed Cali Meigag Samater

( Guddoomiyaha Jaaliyadda

Somaliland W.London Ahaana Guddoomiyihii U.K Ururkii Xaqsoor)

 

Afeef: Qoraalka kor ku xusan waa mid u gaara ah qoraaga mana matalo fikirka iyo aragtida Cabays Media. Waxa aanu soo dhaweynayanaa wixii kirkir ee mudan in bulashadu is dhaafsato iyo maqaalada jawaab celinta u ah hadba wxii aad ka akhridaan halkan

COMMENTS