CABAYS.COM
Dareen Muwaadin:- Dadka JSL in yar ayaa fahansan heerka dagaalka siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka
February 19, 2024 - Written by Cabays

Dareen Muwaadin:– Dadka JSL in yar ayaa fahansan heerka dagaalka siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka. Danno badan ayaa isdhex yaacaya, dadkuna laba dhinac ayey moodayaan, muxaafid iyo mucaarid noocyadii hore ee siyaasada JSL lagu yaqiin.

Waase noocyo cusub oo ku ladhan. Haddii aad maqlijirtay “Isku Dhaxkaris” oo aad macnaheeda taqaan, tan siyaasadu waa “Is-Dhexfadhi” calanka JSL la wada lulayaa, ama la wada hoosjoogaa, haddana waa si kale.Fahan joog hoose ah ayey u baahantay, waa in aad akhriyi kartaa ficilka, erayada iyo dhinacyada ‘Isdhex Fadhiga’ ee kuula muuqda “Muxaafid iyo Mucaard.”

Yaanad ku indho bururin ama ku dhago barjoobin inta guudka sare ee loogu talo galay in aad ku eekaato fahankeeda. Dib uraad-raac sida qiso u dhacdo, cidda rida ama shaacisa. La soco cidda daaha ka rogta xidhiidhada hoos u xidhan.Ma aha wax si sahlan u fami karo qof wax ku cabira wajiyada uu arko ee siyaasada ku jira kuwo hayb leh ama qolo ah, sida waa Reer hebel ama heblaayo waa Reer hebel iwm.

Qoloadu waa kabed ama hu sare oo lagaga dadayo “Is-Dhexfadhiga’ leh ujeedooyin kala duwan, oo ka weyn tan aan moodayno.Sida ugu wanaagsan ee aad wax ku fami kartaa waa wax ha ku cabirin qolo ama qabiil. Markaa ka dib ayaad dareemi in wax kuu baxeen oo sidii oo aad hurdo ka soo baraarugtay ama waa kuu baryey wax u dareemi kartaa in JSL ku jirto xili noociisu aanu soo marin siyaasiyan, dhaqan ahaan iyo waliba ‘Diin ahaan’

Somaliland waxay ku jiraa waaye cusub oo ruxan iyo rajo wada socda – Sawirku waa xigasho

Waxa socdaa ma aha Reero iyo qabiilo siyaasada isku haya, ee dhan iskaga fayd taa si aad hoos ugu degto oo daalacan u aragto ama u maqasho waxa uu yahay ‘Is-Dhexfadhiga’ aan la wada fahansanayn.

Afeef: Siyaasigu, muxaafid iyo mucaarid qolo ma leh, sidaa awgeed qormadani waa mid siyaasada iyo xaalka ku gadaaman ka hadlaysa.

Mahadsanidin

Cabdilaahi Maxamed Cali

COMMENTS