CABAYS.COM
Dareen Muwaadin: Kulmiye waa Kulmiye – Kii wali Reeraysnaa!
October 2, 2020 - Written by Cabays
Dareen Muwaadin: Kulmiye waa Kulmiye uun!
Qromo kooban oo xul ah – C/laahi M.Cali
Ma aha markii ugu horaysay ee xubin xisbiga Kulmiye oo xilka gudoomiye cod hortii la reebo, iyadoo Kulmiye isticmaalayo tabihii ay ahayd in laga gudbo ee beelaysiga.
Inkastoo Madaxweyne-ku xigeen, C/raxman Saylici, waa halkii Cabdicasiis Samaale’e uu ‘Haa kah yidhi’ oo aan dastuurku u ogolayn in uu inuu marka kale madaxweyne ama ku xigeen isku soo sharaxo oo uu gaadhay 2dii jeer ee lagu xadiday, haddana in uu tartanka cod-hortii sii tanaasulo, isagoo aan cid kale oo kaalintiisii ku jirta oo uu wato aan ahayn.
Sida uu Saylici “Haa kah” u yidhi aad bay u fududay, in aanu saamayn weyn xisbiga Kulmkiye ku halayn ayey u eegtahay., haddii kale siyaasiga go’aankaas oo kale qaataa, cid buu dhabarka ka sii taabtaa, halkii sii kaalin ku yeesha, haba laga badiyee!
Sida fudud ee Saylici u tanaasukay xiisihii shirka Kulmoiye ee Axda ayuu meesha ka saaray, shirkaa soo socdaana waxa uu u muuqan doonaa kii ugu xamaasada yaraa ee Kulmiye ilaa shjkii sii 1aad ee sanadkii 2002 dii oo aan goob joog ahaa, kana dahcay Huteelka Shaqaalaha Hargeysa, kaas oo aha kii ugu buuq yaraa, wixii ka dambeeyey waxay ahaayeen kuwo mahadhooyin ku reebay rag badan.
Image may contain: 5 people, people standing and suit

COMMENTS