CABAYS.COM
Dareen Muwaadin: Shalay tuu yeelaa laga yeelay – Waa qormo iftiiminaysa shalay & maanta iyo Xisbiga Kulmiye
September 8, 2020 - Written by Cabays
CabaysDareen Muwaadin: Shalay tuu yeelaa laga yeelay!
Qalinkii C/laahi Maxamed Cali
Hadalkii Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirkii madaxtooyada ee xukumadii Siilaanyo ee xisbiga Kulmiye uu maanta jeediyey, anigu waxaan u qaatay nin maalin hore is gawracay oo maanta is ogaaday.
Dib u raac soo yaalka Xisbiga Kulmiye sidii dhexdiisa loolan u galen markay noqoto musharaxnimadi madaxweynaha, gudoomiyenimadii iuu mid hal jeer iyo laba jeer shirweyne ka yeesheen. Waxa kuu soo baxaya in hadalka maanta ee Maxamuud Xaashi yahay uun ‘Xade laga xaday, ma sanaadhee wuuse yuusaa’ Isaguse in uu yuusay ayey u eeg tahay!
Aynu ku yar noqono bishii Oktoobar 25keedii sanadkii 2015-kii markii raxanta wasiirada ahi iska casileen xukumadii uu Maxamuud Xaashi ka mid ahaa ee uu waliba ku sii dalacay xilalkii ay baneeyeen wasiiradii ay ka mid ahaayeen Wasiirkii Madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji Xasan , oo uu Maxamuud Xaashi noqday mid gala halkiisii iyo wasiirkii Arimaha Dibada ee xiligaa Maxamed Biixii Yoonis.
Wasiirada iyo wasiir xigeenada iyo xubnaha kale ee xukumadii uu Maxamuud Xaashi ku sii dalacay iska casilay xiligaa oo gaadhayey ilaa sagaal xubnood, Maxamuud Xaashi maalintaa waxa uu isla xisbiga Kulmiye taageersanaa in si cadaalad ah oo siman aan loo tartamin. Maalintaa waxa uu taageersanaa waxa uu maanta ina lee yahay waan diidanahay. Hadda ogow waa ninkii ku dalacay jagadii ay baneeyeen aragii ku doodayey in Axmed Siilaanyo ka eexday (Inkastoo madaxweyne Siilaanyo uu xaalad caafimaad galay oo waxbadan aanu ka ogayn xiligaa) oo koox Maxamuud Xaashi ka mid yahay oo la wada garanayaa ay karbaashka siyaasadeed ku garaacaysay ragii Kulmiye ee damacooda muujiyey.
Aniga waxay ila tahay in uu maanta Maxamuud Xaashi ummada la soo horstaago isagoo ka cabanaya wixii uu rag shalay ku sameeyey, oo uu xukumadii Kulmiye sidii hore sidii ay ula dhaqantay ragii damacooda muujiyey isagoo isle lama xusuusto, ma ahayn in uu ina hor yimaad oo uu dadka ka dhigo kuwo aan ogayn shalay wixii uu taageerayey, maanta inay la qurux badnaan weydo, isagoo taa hore garowshiyo siinin, oo aan inooga dhigin xukumadii uu ka mid ahaa mid Kulmiye u kala cadaalad fashay.
Duwaanka taariikheed ee aan sidaa u fogayn qalinkiius wali waa sii qoyan yahay, markaa Maxamuud Xaashi Cabdi, ha ogaado in aanu hadalkiisu meel fog ku dhacayn, sidii xubnihii uu isba is hortaagay shalay hadalkoodii aanu maalintaa dhaafin, waayo arinku waa siyaasad, siyaasaduna ma leh maamuus la is amaahiyo.
Laakiin hadalka Maxamuud Xaashi waxa dilay tii uu shalay yeelay iyo tuu moodayo siyaasada, o ah in siyaasadu tahay shay la is amaahiyo oo la isku soo celiyo.
Waxa Maxamuud Xaashi muujiyey uun in shalay tuu yeelay isna maanta laga yeelay!
Xusuus: Anigu kama mid ihi,kamana mid noqon xisbina, laakiin waxa aan faaleeyaa uun siyaasada iyo siyaasiga iskeen soo hortaaga ee caqligeena doonaya in u wax gashado, Maanta si aad u fahanto tixraac shalay.
Image may contain: one or more people and people standing
 Sawirku waa Maxamuud Xaashi Cabdi markii uu hadalka jeedinayey

COMMENTS