CABAYS.COM
Dareen Muwaadin: Siyaasada Xisbiyada JSL- Kulmiye ayuu karku hayaa!
September 1, 2020 - Written by Cabays
Dareen Muwaadin: Siyaasada Xisbiyada JSL- Kulmiye ayuu karku hayaa!
Cabays(Xoraal Xul ah iyo Qalinkii C/laahi M. Cali ) – Waxa la filayaa in shirweynihii Kulmiye dhaco dhawaan, kaas oo lagu dooran doono ama dib loogu dooran doono hogaanka Xisbiga. Haddaba haddii aan is weydiino yaa la dooranayaa?
Habka hogaanka iyo ka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye u wado shirweynaha iyo shuruudaha uu ku dabray xubno ka mid ah xisbiga oo damac ka hayo hogaaminta xisbigaasi, waa mid saani aad u saadaalin karto cida la caleemo saarayo, waana mid muujinaysa in wali xisbiga Kulmiye gaadhin hanaan nidaam doorasho oo furan oo aad odhan karto “Xalaal” waayo marka aad dib u eegto qaabka shirweynayaashii hore u dhaceen iyo qaabka imika loo wado, waxa muuqata in wali xisbigi yahay kii barigii Burco shirka ku qabsaday ee diiday tartan xalaal ah oo xubnaha dhexdooda ah.
Xisbiga Kulmiye uma diyaarsana habka doorasho oo cod warqad ah iyo tirin codad sanaaduuq lagu rido oo si cad loogu kala baxo, waase mid sidii qaabkii musharaxiinta loo kala saaray doorkii ugu dambeeyey uu u dhacayo tartankiisu u muuqad in isla doorkana mar saddexaad u dhicidoono.
Kulmiy
Maxaynu filanaa?
– Shirweyne buuqu ka yar yahay marka loo eego kii ugu dambeeyey ee ay ku kala doorteen musharaxiintii xisbiga ee madaxtininamda hogaanka dalka.
– Shirweyne lagu muquumiyo xibnaha doorasho loo siman yahay doonaya.
-Shirweynaha oo xubno muhiim ah laga horjoogsado in ay isa soo sharaxaan, ee aan hogaanka imika la doonayn in ay badalaan iyaga
– Iyo hogaanka imika, siiba gudoomiyaha, ahna madaxweynaha iyo gudoomiye ku xigeenkiisa oo dib loo doorto, iyadoo shirweynuhu noqon doono mid sidii Kulmiye looga bartay ay xubno siyaasiyiin ahi ka dareeridoonaan ama muujindoonaan saluug nidaamka ay wax u dhaceen.
Kulmiye marna ha ka filin doorasho furan, balse filo mid dad-ban iyo shirweynaha ka hor laga soo shaqeeyey cida la dooranayo .
Xisbiga Kulmiye oo ah ka labaad ee ugu da’da weyn, wali ma hayo nidaamka xisbiyada aduunka xorta ah wax u doortaan ama ay hogaanka u badalaan, sidaa awgeed wali xisbigu waa Kulmiyihii Burco shirweynihiisii 23 ilaa 25 bishii August sanadkii 2008 hogaamiyihii xiligaasi, Axmed Siilaanyo ula cararay, oo doorkana hogaanka Kulmiye, Gudoomiye Muuse Hargeysa xisbigu ku yeelanayo mid shabaha kii Burco. Xusuuso xiligaa siyaasiyiin Reer Hargeysa ah ayaa shirkaa Burco xisbiga kaga hadhay, kadib markii musharaxnimadoodii Gudoomiye si dad-ban iyo si toos ah loogu diiday. Doorkana musharaxiin xaga Burco ama bariga Somaliland ayaa dawgii hore ee Burco iyagana la marin doonaa.
………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….
Xusuusin: Cabays Media waxa uu soo dhaweynayaa dhamaan wixii aragtiyo hufan ee ku saabsan arimaha siyaasada iyo bulshada iwm. Cabays Media ma ah mid xidhiidh gooni ah la leh xisbi iyo aragti gooni ah oo dhinacayada kala duwan ee siyaasdeed ee JSL. Wixii qoraalo ah ku soo hagaaji editor@cabays.com 

COMMENTS