CABAYS.COM
Habeen Soobaxa Madaxweynuhu Ma Balanqaadyadiisii Ayeyna Hore Ugu Jirin Maxaase Wey-deedyey Ee Bulshadu Wax Weyn Aanay Ugu Arakin?
December 15, 2014 - Written by Cabays

Cabays News – ( Faallo Qalinkii Cabdilaahi Maxamed Cali) Madaxweyne Siiraanyo ayaa habeenada qaar la arkaa isagoo makhaayahada lagu caweeyo iyo meheradaha ka ag dhow ee dhanka galbeed ee magaalada Hargeysa isagoo u soo baxay. Habeen soo buxani ma aha mid cusub, waxase cusub qaabka ay saaxaadadu uga hadasho iyo sida ay xukumadu u miisaan ugu yeesho sidoo uu madxweyne wax mucjiso ah dhigay.

Dabcan marka la ino barbar dhigayo wadamada ay xabada iyo holaca colaadeed ka jiro oo geeskan Afrika ku yaal, habeen soo baxa madaxweynuhu waa arin cajiiba ah markuu arko ama maqlo qof ku nool meel nabadu liidato oo habeen baas u dumay. Habeen soo baxa madaxweyne Siiraanyo waxa uu ina xusuusinaya madaxweynihi ka horeeyey ee Daahir Riyaale oo sanadihii hore ee uu ku cusbaa madaxweynenimada tiraba dhawr jeer la sheegay isagoo soo baxay oo suuqa taxaashay, isagoo aan cidna isku sheegin ilaa ciiddama istaaga isgoysada magaalada Hargeysa ay soo wariyeen, ma jirin tv iyo saxaafad uu gaar ula sii balami jiray, saxaafaduna ma heli jirin wax muuqaal ah oo ay ka qaadaan. Sida lagu micneeyeynujeedadii uu Riyaale ka lahaa waa iyadoo cidi ku ogayn magaalada habeenkii nolosheeda soo eeg. Hase ahaatee tann madaxweyne Siiraanyo waxkale ayaa inooga muuqda, waayo waxa mar walaba oo uu boxo uu tagaa qayb kali ah oo magaalada ah, mana tago meel ilaa tv qaranku aanu la socon.

AMAA

Habeen soo baxa madaxweynuhu inkastoo uu astaan muujinaysa heerka amaanka caasimada uu yahay, taasina ay muhiim tahay, haddana waxa uu keenayaa su’aalo badan halkii uu ka jawaabi lahaa mid iyo laba,  kuwaas oo ah xidhiidhka madaxweynaha iyo bulashda uu ka masuulka yahay. Su’aalaha is weydiinta leh ee ku aadan madaxweyne Siiraanyo waxa ka mid ah – waa sidee xidhiidhka uu la lee yahay bulshada caadiga ah ee Somaliland, kama hadlayno kuwa xusbi ahaan iyo sifo kale ugu xidhan xukumadiisa ee caleemaha la soo booda ama la heegan galiyo xilyada uu shaqo u boxo, balse bulshada ka badan ee u hamuun qabta in ay arkaan madaxweynahoodii oo si toos ah uga jawaabaya arimaha badan ee su’aalaha dhaliyey ee ay ka mid tahay madaxweynaha oo aan ilaa iyo sanadkii 2012-kii marna soo horfadhiisan saxaafada oo wax wareysi oo si faahfaahsan ugaga hadlayo arimaha hadba aloosan, ka soko shirjaraa’ido aad u koban oo madaxtooyada lagag duubo iyadoo saxaafad madaxbanaan la siin fursado ay waxbadn ku weydiiyaan. Haddii aanu madaxweynuhu ogolaan in saxaafada sida qadarinta iyo xirfad sare ku salaysan soo horfadhiisan, oo marka uu dalka ka dhoofayo iyo marka uu ku soo noqonayo dhawr su’aalood oo sarajooga ah waxna ka jawaabo waxna xubno dalwadiisu la soo boodaan lama weydiinkaro iwm, sidee ayuu bulshada xidhiidh ula lee yahay?

 


Dabcan habeen uu soo boxo oo uu dhawr ganacsi oo ay makhaayado ku jiraan tiro kooban ku gacan qaado, laguna sawiro, isla markaana tv aan xor ahayn iyo wariye aan awoodi karin in uu wax su’aal ah weydiiyo uu sidii idaacadihii Kacaanka cod hanuunsan uu amaan la dulfuulo muuqaaladii xadidnaa ee uu soo qaaday iyadoo ay u dheer tahay in dhawr qof oo taageero ujeedo shaqsi leh ama qiiro huwan iyagana wax laga weydiiyo iyagoo iyaguna madaxweynaha amaan uun  jac uga siiya, oo waliba sido kalena mucaaridka aan fursada la siin ku weeraraa, uma keenayo madaxweynaha in bulashudu ugu sacabo tunto habeen laydhsi aan xambaarsanayn wax ka baxsan “Ha la arko in odaygii soo baxay” sida uu u dhigay mid ka mid ahaa dadki tv xukumadu soo daysey ee amaanta ku hooriyey madaxweynaha. Madxweynuhu uma baahna in uu habeenkii kolba meel ka soo fudh yidhaa, waxaase uu  u baahan yahay in uu bulshada abaaro oo aqbalo in si toos ah wax loo weydiiyo, sameeyana kulan bulshada u furan oo uu kula hadlo iyo in maalintii uu booqdo goobaha bulashadu ku badan tahay isagoo sidan oo kale hugun ka iska yareeyey oo wasiir kastaan xafiiskiisa ku eeg yahay. Haddii kale habeen go-shaal ah makhaayad ula soo baxdo iyadoo xaalku yahay waxna ha iweydiinina ma soo kordhinayo taageero aad mdaxweyne ku hesho xili bulashadu dareen weyn ka qabto xaalad la sheegay in aad gashay oo ilaa hadda bulashadu ku muransan tahay, xaaladaas oo ah mid aan waligeed loo nisbay madxweyne Somaliland oo kaa horeeyey. Cida in ay buriso oo badka dharaad cad ama habeen qorshe cad ku soo baxdo oo aad bulshada ku abaarto sidii aad u abaari jirtay markii aad codkooda doonaysay ayuun baa xaaladaa lagaa aaminay beenin karta, intase ka horaysa, madxweyne soo baxaagu waa mid weyd ah. oo xeeladi ku jirto oo ah mid sidii sacabkii habeenka la tumo.

Cabdilaahi Maxamed Cali

Xusuus: C/laahi Maxamed Cali waa saxafi madaxbanaan oo si hufan waxa uga hadla. Waxaanu ka mid yahay labadii saxafi ee kali ah ee madaxweyne Siiraanyo wareysi foolka fool la yeeshay ilaa iyo 2011 -2012 kii oo madaxweynaha ugu dambaysay in uu wareysi gaar ah oo dheer bixiyo,


 

COMMENTS