CABAYS.COM
Hargaysaay Isdiwaan Gali: Gobanimo Gunimo Hadhaafsan (Qormaddii 2aad)
May 12, 2016 - Written by Cabays

 

Cabays

 

Maqaal/Qoraal:

 

 

Maqaalkan ayaa ka mid aha maqaalada aan ka qoro arimaha hadba dalka ka jira. Waxaan si gaara ah ugu badhtil-maamsadaa arimaha bulshada Iyo siyaasada. Balse maqaalkan ayaa ah mid taxna ah oon ku wacyigalinaayo dadwaynaha gobalka Maroodi Jeex inay u soo baxaan oo ay qaatan kaadhka cod bixinta. Maqaalkii hore ayaan ugu baxay dhibaatooyinka la soo darsi doona hadii ay Hargeeysi xaqeeda iska duudsido oo ay kaadhka codbiixinta qaadan waaydo. Waxaa kale oon kaga jawaabay sababta anay reer Hargeeysi u baahnayn dhagaysiga wadaadka aqoon gaabka ah iyo siyaasiga danta leh. Waxaa u maqalkani fariin u dirayaayo raga iyo dumarka reer Hargeeysa ee damaca leh – kuwa gaarahaan shaaciyey inay isku soo sharaxayaan golaha wakiilada ee gobalka Maroodi Jeex inay ka qayb qaatan wacyigalinta dadwaynaha inay qaatan kaadhka Cod bixinta.

Sidaan maqaalkii hore ku xusay, gobalada dalku si wayn bay ugu soo baxeen inay kaadhka codbixinta qaatan oo waliba gobal walba gobalka-kale cududdiisa tiro ku soo bandhigay. Ujeedka ay ugu soo baxeen ayaa ahyid inay xaqooda ay ka mid yihiin, horumarka deegamadoodda iyo inay soo saraan tirada ugu badan dadka gobalkooda ku matali lahyid golaha wakiilada si ay xaqooda ugu soo gooyan. Waxase nasiib daro ahyid dad sas kaqaaday faraha dadwaynaha ku nool gobalka Maroodi Jeex iyo dhaqaalaha ka soo baxa ay olole ku qaadeen ka dhan ah in dadka gobalkani qaatan kaadhka codbixinta – sababtuna ay tahay in xaqooda la duudsiyo – waatii la yidhi ninkii seexdaa, sicii dibi dhalay. Balse ay dhacday in dadka gobalka Maroodi Jeex, gaarahaan reer Hargeeysa ay jireen dad baddan oo dabinkaasi ku daatay – waa kuwa durbaanka beenta ah ee lootumay run mooday . Haddaba si dadka mugdigaa looga saaro ayay tahay dadka raba inay isku soo sharaxaan golaha wakiilada ee gobalka Maroodi Jeex inay ka qayb qaataan wacyi galinta deegamadooda si ay kaadhka codbixinta u qaatan. Dalkeena waxaa ka dhacay doorashin ay ku soo baxeen mudanayaasha golaha wakiilada iyo deegaanka ee hada fadhiya balse baddii ay noqdeen kuwa garan waayay masuuliyadooddii Iyo wajiibadkooddii ay qarankooda iyo deegamada ay ka soo baxeen u hayeen – ma aha suaasha taala timirtii horeba dab loo waa – doorashooyinkii horeba

rageeddi waynu ku khasaaray. Balse horumarka ayaa lagu gaadhaa, dadaala wuu gaadhaa – dhibka iyo kadeedka maanta aanad uga hadhin guusha. Horumarka ayaa ku yimaada adkaysi iyo daal iyo inaad kun jeer kufto oo aad kacdo – waa tii la yidhi xaglo laaban xoolo kuma yimaadan. Baaqayga ayaa ah si aynu horumar u gaadhno, waa inaan la niyad jabin oo loo soo dareero qaadashada kaadhka codbixinta.

Baaqa aan u diraayo, dadwaynaha reer Somaliland, gaarahaan kuwa Maroodi Jeexi ay ah, haddii la ii doorto, waxaan aan qaranka Somaliland aan u hayaa muftaxii kordhin lahaa dakhliga dalka in ka badan Laba boqol oo milyan oo doolar ($200,000,000) lix bilood gudahood. Tani waa daraasad aan ku sameeyey kor u qaadida kobcinta dakhliga dalkeena balse qaybo ah – waxay taasi horseeddi kartaa in shaqo abuurid loo sameeyo in ka badan 15,000 oo ardayda Jaamacadaha ka baxday oo mid waliba la siiyo mushaaro dhan $1000.00 (kun doolar bishii). Guushaasi in la gaadho ayaa u baahan dhabar adag iyo adkaysi – miyaanay mudnayn tani inaad u hiiliso oo dadkaaga xaqooda duudsiyin? horumarka ubaxa soo kacayana aanad caqbad ku noqon?

Waa Qalinkii, Axmed Cabdi Ciise

Musharaxa Bahwaynta Bureeqa ee Golaha Wakiilada   Ahmed Ciise

axmedciise@hotmail.co.uk

COMMENTS