CABAYS.COM
Heshiika Dhexmaray Madx Muuse Biixi iyo Raysalwasaare Abiy Axmed
February 27, 2024 - Written by Cabays

Xikmad baa tidhaahda: QOFKII GAAR WAX KUUGU SHEEGAA WUU KUU NASTEEXEEYEY…..KII PUBLIC WAX KUUGU SHEEGAANA WUU KU FADEEXADEEYEY. SIDAASI DARAADDEED COMMENTS HA LAGA FIIRSADO.

Qarammada Midoobay (UN), ay berrito qaraar-ka ka soo saari doonaan.Bishan January 23 keedii 2024, waxa ay Dawladda Federaalka Somalia warqad dacwad ah u gudbisay QM, iyada oo ka codsatay in Golaha Ammaanku ay ka arrinsadaan.

Heshiiska Badda ee dhex maray Mdx. Muse Bihi iyo PM Abiye. Oo ay xukuumadda Mdx. Hassan Sheekh ay ku sheegtay mid sharci darro ah. Halka dhinaca Somaliland iyo Ethiopia ay aamminsan yihiin in uu sharci yahay.Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia ayaa isna qoraal u diray Golaha Ammaan ee UN.

Kana codsaday in shirkaa barrito dhacaya la joojiyo, maaddaama ay Ururka Midawga Africa ay ku guda jiraan xallinteeda, loona xilsaaray Ex-President Obasanjaha Nigeria, oo ay Ethiopia kalsooni weyn ku qabto.Sida ku cad qoraalka Ethiopia ay u dirtay Security Council (Golaha Ammaanka), waxa ku cad damacooda badda cas in ay access u yeeshaan, oo ay ku andacoonayaan in ay khasab tahay in Ethiopia ay hesho bad, maaddaama ay population koodu uu ka kor maray 120 milyan. Badda oo ay helaanna ay wax badan ka tari karto ganacsiga gobolka iyo amniga.

DADKA DIIDDAN HESHIISKAN... (Why) Waayo?

1. Waxa ay u arkaan in heshiiskani 100% uu Ethiopia faa’do u leeyahay. Dadka ku nool Somaliya amma Somaliland ay ka dhaxli doonto cawaaqib xun. Waa haddii uu hirgalo.

2. In ay dad badani cabsi ka qabaan shacabka Ethiopia ee tiro ahaan aadka u sii badanaya, haddii heshiiskaasi dhacana ay dalkooda soo buux dhaafin doonaan. Dhaqan ahaan iyo dhaqaale ahaanna dhaawici doonaan guud ahaanba dadka Somaliyeed. Gobolka ay soo galaan iyo xukuumadda dalkuna aanay xakamayn karayn.

3.Heshiiska noocan ah oo ku cusub mandiqadda, ulana eg mid ay Ethiopia kula wareegi doonto dhul iyo Bad aanay hore u lahayn…..dal jaarkooda ah oo itaal daranina uu baddaasi leeyahay. Kaasi oo awood aqooneed, mid sharci iyo difaacna aan xiiligan u dhigmin Ethiopia.

4. Dagaallo iyo ammaan darro mandiqadda soo wajihi doonta iyo cabsi cabsi kale.DADKA TAAGEERSAN….Why? Waayo?1. Waxa ay aamminsan yihiin in ay dunidu isbeddeshay, xilligii colka la ahaana laga soo gudbay, shucuubta geeska Africi na iskuna baahan yahay in ay wax wada qabsadaan.2. In aan wakhtiga la marayo cidina cid dhul ka qaadan karin. Shacab soo guurayaana aanu jirin. Balse is dhex uu iman karo. Is dhexgalkaasina meesha ka saari doono QABYAALADDA Somali ragaadisay. Loona guuri doono shucuub wada nool. Somalina aan la muquunin karin.

5. Horumar deg deg ah oo laga dhaxli doono is dhex galkaa iyo heshiiskaa lala sexeexday Ethiopia. Dekedo illaa saddex ahna ay shirkado iyo dawlado ka dhisi doonaan degaannada Somalida.4. Amniga oo sugnaan doona…..iyo sharciga oo sarrayn doona. DAYACA TAARIIKHIGA AH IYO FURSADAHA INNA DHAAFAY.Guud ahaanba badda Somaliya waxa muddo dheer ka jiray hanti boqollaal bilyan ah sannadkii oo la daayacay!

Hantidaasi maaha uun khayraadka Kalluumaysi, Shidaal….ee waxa ka badan dakhliga innaga soo geli lahaa dalxiiska…waa haddii xeebeheenna aan ka dhisan lahay 200 oo Hotels ka waaweyn peaches ka leh. Laakiin, nasiib darro maanta hal Hotel oo 100 qof ku raaxaystaani kuma yaalo xeebaheenna.

Aqoonyahan Axmedweli Sh. Cumar Good

Xataa ma lihin meel caafimaad ahaan amma amni ahaan loo soo dalxiisi karo oo ayaamo lagu soo nasto. Sumcadda adduunku innaga aamminsan yahayna waa mid aad u liidata….oo ammaan darri, dad aad uga dambeeya dunida. Aanu sharcigu shaqayn, musuq maasuqa iyo tuugadu ay marayso meeshii ugu sarreysey.

Dalka noocaasi ahi. Akhristow ma noqonayaa mid sii jira amma adduunyadu sidaasi ku eegato.Waxba yeynaan kolba ku baraarugin caaddifad aan jirin iyo qiiro waddaniyeed oo aan laga dhabaynayn.Bal aan berrito eegno waxa soo saaraan UN.

WIXII AAN KHALDAYNA SHAYDAAN BAAN U TUURAY. WIXII RUN AH AMA AAN ASIIBAYNA ALLAHA INNAGU ANFACO.TALADEENNUNA WAA FIKIR WADAAGKu soo dhawow qoraalka maanta.Maanta waxan ka hadli doonnaa arrintii BADDA ee heshiiska MoU….. labada dhinac ee SL iyo Ethiopia, oo Golaha Ammaanku ( SecurityCouncil ).


COMMENTS