CABAYS.COM
Heshiiska Madaxweyne Siilaanyo iyo Dubai World Ports Daahu kama rogna – Ogow waxbaa inaga dahsoon
May 10, 2016 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media -FAALLO:-

 

Safarkii uu mudane madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ugu baxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta maalintii Axdii ee 08/05/2016 ka waxa uu noqonayaa socdaalkii saddexaad ee arimo xoog saamayn ugu leh halka ugu mudan ilaha-dhaqaale ee Somaliland lagu gorfaynayo, isla dalkaa Imaaraadka inta la ogyahay. Waxa dhan ee laga wada hadlay waa magaalada Berbera iyo dekadeeda, ka sokow waxkastoo lagu sheego noocyada mashaariiceed ee kale ee la socda, sida beeraha, dalxiiska iyo kuwo kale ee warsaxaafadeedka sida aad uga fiirsashada ah lagu sheegay ee laga soo saaray kulankii saxeexa ee wasiir Sacad Cali Shire iyo madaxa shirkada Dubai World Ports.

Safarka mudane madaxweyne Axmed Siilaanyo, ma ah mid sawirada qurxuda badan ee mansabka sare muujinaya iyo habka loo qaabilay aanay ahayn mid bulshadu mudan tahay in ay kaga ilduufto xaqiiqada heshiiska ee ah shirkad aan dalkeedu saani u aqoonsanayn jiritaanka qaranimo ee Somaliland ayaa aayar malaayiin doolar ah galinaysa.

Arinku oodmo dhacmeed siday u kala sareeyaan ayaa loo guraa ama oodi-ba ooda ka sarayaa la guraa weeye xaalku. Somaliland ma taagna heer ay hantiii ugu muhiimsanayd ee qaranku lee yahay ay aayar ku wareejiso dal aan aqoonsanayn jiritankeeda.

Tan maxaa u daliil ah, heshiiska iyo guud ahaanba socdaalka waftiga madaxweyne ee Dubai waa mid aan loo marin habka caalamiga ah ee Duabi ama Imaaraadku u marto maalgashiyada ay wadamada kale ku samayso. Sheeg sheega heshiis Somaliland iyo Imaaraadku wada galeen, waa arin buunbuunintiisa iyo weynayntiisu dhan ka raan yahay, waana dhanka xukumada madaxweyne Siilaanyo, hase ahaatee ma jiro wax soo qaadis iyo madal ay Somaliland mudnay oo Dubai World Port mudnaanta heshiiskan ay siisay. Xaalku waxa uu u eeg yahay mid heshiiskan looga galay irid-dambe oo caalamku ka oodayn yahay. Waxa taaa kuu daliila Dubai World Ports oo ah shirkad hantiday dekedo badan oo aduunka ah haddii mudac uga soo kordho dal kale, wax ay ku soo dhigtaa bogga hore ee ay ku leedahay mareegta Internet-ka ee web.dpworld.com/, waxayna qaybteeda saxaafadda ee Media Releases ku -sheegtaa wixii heshiisyo iwm. Ilaa hadda dhanka DWP laguma soo qaadin heshiiskan.

SL Dubai

 

Hase ahaatee inkastoo ay mudan tahay in wax kastoo Somaliland u soo kordhaya ee wanaag ah la taageero, haddana socdaalkan Dubai waa mudan in daaha laga rogo, tooshkana lagu shido waxa ku guntan heshiiska la inoo wado, maadaama ujeedadiisa si kor-xaadh ah bulashada loogu sheegay waxa uu ku salaysan yahay. Ku darsoo ma aha mid laamaha qaranka ee uu khusayn karo, sida Golaha Wakiilada iwm midna lala socodsiyey, umana eeka mid ansixintiisa sida sharcigu dhigayo loo diyaarinayo in la horkeeno Goleyaasha waxa uu xambaarsan yahay heshiisku.

 

Socdaalku isagoo aan 3 cisho-ba aan qaadan, waxa durba la inoo sheegay in shirkada Dubai World Ports ay “Balaadhinayso Dekeda Berbera”  Wasiirkii arimaha dibada Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire ayaa heshii la saxeexay masuul sare oo ka mid ah shirkada Dubai World Ports. Erayada heshiiska lagu sharaxaay waa kuwo dhagaha muwaadinka Somaliland macaansanayo, hase ahaatee nooca heshiiska waa mid u baahan in hoos loogu dhaadhaco.

Haddii uu yahay mid dalka dhaxal wareejinaya, sida DWP ay hore ugu samaysay dalal kaleba waa mid u baahanaya in laga gaashaanto, iyadoo nidaam qaran oo aan qalalaase lahayn lagaga hortagayo.

Warsaxaafadeed lagu xardhay sawiro muujinaya masab sare , balse weydaarin kara hanti qaran oo ah isha kali ah ee ay Somaliland leedahay waa kuwo  mudan in lagaga jawaabo diidmo qayaxan.

Warsaxaafadeedka sida taxadirka ah saxaafada guud ahaan qaabka ’email’ ka loogu qaybiyey oo sawiro lagu badiyey balse erayo badan aan lagu sharaxin waxa lagu yidhi “Waftigii wasiirada iyo maareeyaha ka koobnaa ee ka so horeeyey madaxweynaha ayaa dalka ku soo laabanaya maalinta bari ah, iyagoo faah-faahin ka bixin doona nuxurka heshiiskaa iyo midhaha ka dhashay hawlgalkaa ee ku aaddan xidhiidhka Isku-tagga Imaaraadka iyo Somaliland” 

Sida hadalkaa ka muuqata, madaxweyne Silaanyo ma faahfaahindoono heshiiska uu saxeexay wasiir Sacad Cali Shire, waana qorshe cad in madaxweyne Siilaanyo aanu umadda soo hor-istaagin haddii lagu koobo in maareeye Cali Xoor Xoor iyo wasiir Sacad Cali Shire oo dabcan safka hore ka noqonaya difaaca heshiiskan, waayo wey cadahay sobobta labadaa masuul u qaadayaan meel marita iyo ka dhaadhicinta heshiiskaas bulshada, siiba ta oodxigta ay yihiin ee laga yaabo in ay saamaynta tooska ah ku yeelanayso ama diidmada kala hor imana kara haddiiba ay bulshada kale taageerto.

Waxa jira su’aalo muhiim ah oo mudan in ay inooga jawaabaan xubnaha la inoo sheegay in ay waftiga madaxweyne Siilaanyo ka soo horaynayaan oo ay sida la inoo sheegay faafaahinaya waxa qalinka ay kuwada duugeen wasiirka arimaha dibada Somnaliland iyo madaxa shirkadda  Dubai World Ports (DWP), Suldaan Axmed Binu Sulaymaan oo ka mid ah qoyska Imaaraadka xukuma.

Su’aalahaas waxa ka mid noqon kara:

  •  Waa maxay heshiiskan xukumada madaxweyne Siilaanyo, oo waliba musharaxa badalaya ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi kula socdo ilaa Dubai. ay dal aan aqoonsanayn jiritaanka JSL la gashay ?
  • Sidee ayey gacan kale ugu galisaa Somaliland goobta kaliya ee dhaqaalaha ugu muhimsan qaranka ka soo galo, waa maxay damaanada ay Somaliland haysataa, maadaama aanay xukumada Imaaraadku aqoonsanayn in Somaliland tahay dal madax-banaan, yaase damaanad qaadaya heshiis ay Somaliland la gashay dal u aqoonsan in ay ka mid tahay dal kale?
  • Maxaa ka jira wararka sheegaya in heshiiskan ay ku jirto gacan 3aad oo ah Muqdisho, heshiiskan ay saxeexeena uu yahay mid sidoo kale halkaa Dubai World Ports ay ka soo dhamaysay, xukumada Siilaanyo oo ogol heshiiskana ay sidoo kale qalinka ku duugtay ka Muqdisho hore looga soo dhameeyey, iyadoo Dekeda Berbera la doonayo?
  • Dubai World Ports waxay hore ula wareegtay dekeda Djibouti ee Daarooleh, sidaa awgeed ma ku dhici kartaa Somaliland dabinka qaameed ee ay Djibouti u gashay DWP  oo maanta kiiskoodii ilaa London maxkamado kala saari laayihiin Djibouti oo la aqoonsan yahay dal-madaxbanaan?
  • Maxa u damaanad ah kumanaanka reer Somaliland ee toos ugu xidhan shaqooyinka ay ka helaan dekeda Berbera, yaa damaanad qaadaya in sidda kuwa Djibouti bari lagu badali doono Hindi iyo Bangalodhees DWP ka keentoo dalalkooda, mudaadiniinta reer Somaliland- na ay dibada ka noqdaan woxoogii ay lahaayeen oo shirkad Carbeed maal- ku balaadhsatay?
  • Heshiiskan imika lacag ah ayaa Somaliland lagu siiyey si ay saxeexa ugu duugaan, yaa ummdaa uga damaanad ah in aanay lacagahaasi aanay ku dhicin jeebado gaar loo lee yahay?
  • Mas soo hordhigaysaa xukumada madaxweyne Siilaanyo heshiiskan Golaha Wakiilada Somaliland si ay umadda uga eegaan in uu yahay wax u cuntama, sida sharcigu yahay, xiligii madaxweynuhu mucaaridka Kulmiye hogaaminayeyna u dalban jiray in ay sidaa yeesh xukumadii UDUB, maanta tii uu sheegi jiray ayaa isagoo madaxweynaha hortaalaaye muxuu la damcay?

Su’aalahaasi iyo kuwo kale oo badan ayaa la iska weydiin karaa heshiiskan noqon kara mid Somaliland dhaxal wareejiya isha kaliya ee ay leedahay wax dhaqaale -ka-soo-galeen ah. Mana aha mid mudan in ay xukumadu isku daydo in ay khasab ku meel mariso, waayo taasina halisteeda ayey leedahay, xaalkuna waxa uu u muuqana doonaa qaran intii lagu aaminay ay shaylada taagtay, wixii ay ka heli karayaeena sahay u qaatay.

Waxaan qormadan ku soo koobayaa, bulshda Somaliland ma jirto cid aan jeclayn horumarka dalkooda, hase ahaatee waxa hubanti ah in aanay aqbalayn dhaxal wareejin loo fududaynayo shirkado shisheeye oo dalalki ay sida noo kale u hantiyeen ilahooda dhaqaale in ay maanta yaa iga kiciyaay ay ku jiraan. Dadkuna in ay dareen ka bixiyan sida qormadan oo kale ma ah mahaneedu horumarka dalka ayaa la diidyaa iyo kucaarid baa la yahay ee waa dalab wax-qancis.

Xalaal dharaar baa la quutaa, Allow madaxdayada  iyo mudwaadinka caadiga ahba xaqa iyo xalaasha waafaji. Aamin!

 

Qore: Cabdilaahi Maxamed Cali

London -UK

Xigasho Cabays Media

 

COMMENTS