CABAYS.COM
Hirdankii Geeska oo fooshiisii soo dhowdahay
August 8, 2020 - Written by Cabays

Cabays(Cabays Media) –   Hirdankii Geeska oo Fooshiisii soo Dhawaatay

Qore: Saleiman Bolaleh
In ay Dalal Badan ku yeeshaan Soomaalidu Manadaqadan Bariga Africa waa Guul Umadda Soomaaliyeed u soo Hoyatay

Golaha Wasiirada Kenya ayaa badhtamihii bishii hore ee July 2020 si wayn u lafo guray mooshin dawlada Kenya ay ku aqoonsanayso Somaliland. Waxana goluhu sameeyay koox khuburo ah oo si taxadar leh uga soo baaraan degta qiimaha iyo Caqabadaha mooshinkaasi. Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa gudoominayay kulamadaasi moosinka aqoonsiga Somaliland.

Golaha wasiirada Kenya ayaa ka hor inta aanay go’aan kama danbays ah ka gaadhin mooshinkan waxa ay ka sugayaan warbixinta kama danbaysta ah ee gudiga farsamo oo ay hore ugu xilsaaraan ka soo baaraandegida mooshinka.

Mooshinkan ayaa lagu wadaa in uu saameeyn Qotodheer ku sameeyo iskaashiga gobolka iyo xidhiidka israacsanaanta Juquraafi iyo siyaasadeed (geopolitics), taasi oo laga yaabo in ay si kama danbays ah u qaabayso mustaqbalka Somaliland. Sidaasi waxa saxaafada u sheegay xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Kenya kaasi oo aan fasax u haysan bixinta warkan xaasaasiga ah.

“Golahayagu waxa uu ka doodayay in mudo ahba aqoonsiga Somaliland.” Ayuu intaa raaciyay.
“Waananu sii wadi doonaa in aan ka wada hadalo oo faaqidno talo soo jeedimaha Gudiyada khuburadaha ah iyo Wasaarada Arimaha Dibada Kenya.

Dhinaca kale, xogahani waxay tibaaxeen, Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muse Biixi in uu dhawaan booqasho ku tagi doono Caasimada Nairobi, isagoo lagu qaabili doono haybadda rasmiga ah ee Qaranka oo la mid ah sida loo qaabilo madaxwaynayaasha kale. Fili maayo soo dhawaynta saraysa ee Madaxwayne Biixi loogu samaynayo Garoonka Diyaaradaha Nairobi in ay ka soo qaybgali doonaan ciidamada qaranka Kenya, sababtoo ah taasi waxay ka hor imanaysaa axdiga Qaramada Midoobay ee xidhiidhka wadamada xubnaha ka ah.

Dooda Golaha Wasiirada Kenya ka bilaabantay ayaa timid dhawr wiig ka dib markii wafi miisaan dublamaasiyadeed oo culus leh oo Kenyan ah uuna hogaaminayay mudanaha ah gacanta Midig ee Raila Odinga isla markaasina ah hogaamiyaha Aqaliyada Baarlamaanka Kenya (Minority Whip) Mr. Junet Mohamed uu booqday Caasimada Somaliland ee Hargeisa.

Ilo dublamaasiyadeed oo kala duwan ayaa xaqiijiyay in wafiga Kenya ay Hargeisa u tageen diyaarinta booqasho uu ku tagi doono Somaliland hogaamiyaha Mucaaridka Kenya Raila Odinga, taasi oo aan wali la shaacinin Taariikhda uu Odinga tagayo Hargeisa. Ilahan dublamaasiyadeed waxay intaa raaciyeen in Raila Odinga oo ah hogaamiyaha mucaaridka Kenya isla markaasina ah African Union High Representative For infrastructure Development iyo shaqsiyaad si wayn looga qadariyo Qaarada Africa ayaa “door aad u wayn ka ciyaaraya” dadaalada Somaliland ku gaadhi rabto Dal buuxa.

Junet Mohamed ayaa ka mid ah dadka uu Raila Odinga ugu kalsoonida badan yahay. In kasta oo Junet aanu marnaba ka hadal ujeedka safarkiisii Hargeisa. Hadana, mid ka mid ah taageerayaashiisa waawayn, Seth Odongo ayaa 2 todobaad ka hor bartiisa Twitter ku xusay doorka Kenya ee aqoonsiga Somaliland.

“Kursiga Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ee Kenya waxa uu muhiimad wayn siinayaa dadaalka Somaliland ee dal madaxbanaan. Taasi oo ah muhiimada wayn ee Dalkani u muujiyay dhamaan wadamada adduunka in uu si buuxda u ilaalinayo waajibaadkiisa.” Seth Odongo ayaa tweetkiisa ku mention gareeyay Safiirka Somaliland u fadhiya Nairobi Ambassador Bashe Omar.

Badhtamihii June ee sanadkan, cod aqlabiyad ah ayaa Kenya ku guulaysatay, Kursiga aan rasmiga ahayn ee Qaarada Afrika ku leedahay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay UNSC, taasi oo Kenya ka dhigaysa dalka ugu haboon ee ka hawlgali kara danaha Somaliland. Waxa xusid mudan in guusha kursiga Afrika ee Golaha loo dhan yahay ee Kenya in ay Somalia ka soo horjeeday, iyadoo codkeeda siisay Djibouti. Iyadoo haataba lagu wargaliyay Somalia qorshahan lagu taageerayo aqoonsiga Madaxbaanida Somaliland.

Dhawaan ayay Somaliland heshay guul dublamaasiyadeed oo wayn, kadib markii aqalka cad ee Maraykanku uu ansixiyay xidhiidh dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Taiwan.

Sidoo kale, Somaliland ayaa beryahan danbe noqotay dalka lagu loolamayo bariga iyo waqooyiga Africa gaar ahaa dagaalka dhinaca biyaha wabiga Nile ka Buluuga ah. Kadib markii wafti heerkiisu aad u sareeyo oo Masaaro ahi ay booqasho rasmi ah ku tageen Hargeisa, inkastoo aan Masar iyo Somaliland midkoona sheegin hadana waxa warbaahintu isla dhexmaraysay in Masar ka codsatay Madaxwayne Biixi in ay Nasar ka dhisato Somaliland salidhig military. Todabaad kadib wafiga Masar waxa Hargeisa gaadhay wasiirka awooda Badan ee Wasaarada Maaliyada Itoobiya Ahmed Shide, sidoo kale Itoobiya ayaa markiiba sare u qaaday Qusuliyadeedii Hargeisa oo ay ka dhigtay Safaarad buuxda iyadoo u soo magacwaday Safiir buuxa.

Dismas Mokua Khabiir axadha Arimaha siyaasada ayaa sheegay in Kenya ay doorbidayso in ay ka shaqayso Somaliland taasi oo fursad u siin doonta guul ka gaadhida dagaalka Laguna jiro argagixisada Al Shabaab.

Image may contain: 1 person, suit
Image may contain: 1 person
COMMENTS