CABAYS.COM
Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe waa in Garsoor ka madaxbanaan Dalwada Kulmiye deg deg loogu helo
March 19, 2016 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media:- Rayi/fikir akhristaha

 

Waxa ammankaag iyo yaab igu reebtay markaan caawa saxaafadda ka daawaday dad magaalada Garadag jooga oo ay iska caddahay inay fulinayeen qorshe ku talo-gal ah in lagu wiiqo amaba lagu dumiyo Xisbiga UCID, taasoo marag ma doonto ah in haddii jidkaa laga hadhin inoo horseedi karto ama keenayso bilowgii burburka Somaliland.

Weli waxaynu aragnay ama maqalnay maaha dad isu soo ururay oo Guddoomiye Xisbi Qaran ku leh Murrashaxaaga doonimayno ee naga beddel – adigaanu ku doonaynnaaye. La yaabka ka sii daranina wuxu ahaa, Guddoomiyihii Xisbiga Faysal Cali waraabe oo intuu farxad kala batay midmid u gacan qaadaya una buseelaya hadallada gefka iyo dayl-qaafka ku ah Murashaxa Xisbigiisa uu Guddoomiyaha ka yahay, hortiisa lala taagan yahay, dhegihiisuna maqlayaan. ka dibna gefkii oo khudbadaysan baaba laga hor jeedinayaa Guddoomiyuhuna sacabka iyo sawaxanka ayaabu qayb ka yahay. Murashaxa Xisbi Qaran ee qof ama kooxi aanay doonayn codkuun baa la weydaarin jiraye, goormaa Guddoomiye Xisbi lagu odhan jirey naga beddel, oo adigu fuul, adagaanu codka ku siinne.

Anigu waxa ka mid ahay dadkii la kowsaday ama horraantii bilaabay taageerada iyo dhismaha Xisbiga UCID illaa iyo muddadii uu Xisbigaasi jiray, hoggaamiyana waxa noo ahaa Faysal Cali Waraabe guul iyo guul-darroba, xilal kala duwanna iyo tacabna waa iga soo maray, haddana waxan ka tirsanahay Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID, waxan haddaba is weyddiiyay inay wax suuro gal ah tahay in qof ka mid ah madaxda sar-sare e ee xisbiyada Kulmiye

ama Waddani, uu kolba wafdi u baxa uu ku wiiqayo murashxnimada Cabdi Raxman Cirro ama Muuse Biixi, isagoo muujinaya farxad iyo raynrayn marka hortiisa lagu af-laggadaynayo Musharraxii xisbigiisa ee loo doortay inuu tartan galo oo ka guulaysto xisbiyada kale.

Waxan daawaday Jamaal cali Xuseen oo ah Murashaxa Xisbiga UCID oo la leeyahay doonimaynnee adaanu ku doonaynnaa Faysaloow, “waayo hadduu nin yahay muu wershadda Berbero kiciyo” iyo Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo u riyaaqaya halkuu ka odhan lahaa shaqada wershadda Berbera iyo kicinteedu waa hawl Dawladda u taalla ee Maaha eed Jamaal leeyahay. Dhacdadani waxay marag u tahay in arrintu intaa ka qoto dheer tahay, (Biyaha aan Dushooda Arkayo, Guntoodu waa Dhoobo) ayay Somalidu ku maahmaahdaaye waa qorshe loo maleegayo duminta Xisbiga Qaranka ee UCID.

Waa hubaal in doorasho xaq iyo xalaal ahi aanay waddankeenna ka qabsoomi doonin, iyadoo Murashax Xisbi Qaran oo sifo sharciya lagu doortay, loo maleegay fal ama shirqool sharciyadda siyaasadda ka baxsan, oo markasna si fudud dad daaqadda ka soo galay oo lagu beddelay, ay codayn xalaala ka helaan shacbi weynaha Somaliland, waqti weliba dawladaha caalamku sida Ingriiska Midowga Yurub iyo kuwa Afrikaba si cad u qeexeen inay indhaha ku hayn doonaan xaaladda doorashada Somaliland, oo taagerayaan doorasho waqtigeedii ku qabsoonta si hufan oo xalaalana u dhacda.

Waxa ina soo maray Xisbi Qaran oo la odhan jirey UDUB oo fulaynimo iyo siyaasad xumo horteenna loogu burburiyay, welina aynnaan ka bogsan hiirtaanyadisii, burburka ku yimaadda Xisbi Qaran oo labaadna wuxu iilka ku daboolayaa geeddi socodkii

dimuqraddiyadda Somaliland, waayo haddii tartanka xalaasha ah baqdin darteed xisbiyadaba mid mid meesha looga saaro, hubaal waxa imanaysa isku-dhac xooggan oo bulsho, oo dabcan iyana horseedi doonta qaddiyaddeennii goonni isu-taagga oo meel lagula xabaalo geeddi socodkii dimoqraadiyadda ee damacu sababay kuna gunaanadatay HUNGURI WEDKII MA ARKO.

Wa Billahi Tawfiiq
Rasheed Cali Maygag

London -UK

………………………………………………………………………………………………………………..

Cabays Media waxa uu soo dhaweynayaa aragtiyaha kala duwan, hase ahaatee wixii rayi ku soo baxa waxa uu gaar yahay qoraha. Wixii qoraalo ah ku soo hagaaji editor@cabays.com
COMMENTS