CABAYS.COM
Laba aan hore isku jeclayn oo colaada JSL isku jantay
January 24, 2024 - Written by Cabays

Cabays Media – Laba aan isjeclayn oo colaada JSL isku jantay – Farmaajo, madaxweynihii hore ee Somalia waxa uu ahaa ninkii ay laabta isgalinjireen Abiy Axmed, Raysalwasaaraha Itoobiya ee ay maanta inoo caayayaan, inaguna khuukhinayaan.Waxa Farmaajo iyo kooxdiisii N&N ina odhan jireen “Is-dhexgalka Geeska” Xuduuda Itoobiya iyo Somalia waa la isku furayaa” Itoobiya waxay inoogu sheegi jireen saaxiibka Somalia ee soo ooday “Ilaladihii Somalia laga duminayey”. Xiligaa Farmaajo, Xasan Sheekh Itoobiya ayuu ku dadaalayey in ay dhankiisa marto si ay u taageerto xiligii uu doorashada isku diyaarinayey. Eritrea ayuu afka ka weerarijary Xasan Sheekh si uu Itoobiya u soo jiito.Maanta labadii nin ee kala fogaa waxa heshiis u yihiin Somaliland iyo Itoobiyadii ay hore u kala dheeraynayeen. Waxa isku keenay labadaa maxaweyne ee Somalia waa Somaliland maxay Itoobiya ula heshiisay, ma aha maxaa Itoobiya saldhig loo siiyey.

Lanada madaxweyne ee Somalia waxa isku keenay waa mawjada cusub ee Somaliland ku kicisay sanadkan cusub ee 2024 ka oo ah mid aanay ka dabaalan karin.

COMMENTS