CABAYS.COM
LIX HADAL OO MARWADA MADAXWEYNUHU AMINA WERIS AY HADAL HAYN U LEEDAHAY : BY ABDI MUSTAFE
April 8, 2015 - Written by Cabays

1) Marka xukuumadu wax kharibtu ee bulshadu ka hadasho Amina Weris waxay ku celcelisaa  markay maqasho xukuumada waa lagu kacsanyay, iska dhaaf Somalidu waa sida soodhaha oo sadex cisho uun bay hadal haynayaan e. Kursi jecleysi car yaannu caanaha ka daadin.

2) Kolka ay Amina Weris u adkeysan weydo hadal heynta bulshada ee farta ku fiiqda arbushka dowladu wadana Amina Weris waxay tidhaa ha la xidh xidho kooxda waxaa wada dabeed na waa la xidhaa…..Ya salaaam, Taariikhda aduun soo maray Amini dumar bay ka tahay ee iyadoo basaq basaq le oo shicibku gadooday baa xigi kibirkaa.

3) Marka dhakhtarada Silaanyo kula taliyaan in uu iska nasto oo ay u sheegaan in aannu kareyn xilka madaxweyne nimo in uu gutuna, Amina Weris waxay ku jawaabtaa Dhakhtarku wuu iska hadlayaa odeygeygy midh intaa leeg ma qabo. Subxaan arxan daranaa miyaanay ogeyn in ummadu la yaabantay oo arimahaa la wada ogyey oo ay lacag uun daneyneyso.

4) Marka Silaanyo u cawdo iyada iyo Xirsi iyo Zamzam oo aanay waxba ka qarsan oo labaduba siri daari ah na intay cadhooto ayey tidhaa sowtaannu dawadii kaa bedelay ee aad caafimaaday… Laa ilaaha ila laah ,,,, Nin loo diidanyay xanuunka muxuu ku noolyey.

5) Amina Weris markay maqasho dadku doorasho ayay rabaana waxay tidhaa Daahir Riyaale ba waa loo kordhiyey ee maxaa anaga naloogu diidayaa… Talow yaa u sheega in aanay maanta maalintii ahayn dalku khatar ku suguan yay iyada iyo waxay cago ku qaadataana cawaaqib xumo shicibka kala kulmi doonaan.

6) Kolka Xirsi iyo Zamzam hoos uugu sheegaan Amina Weris ee ay ku yidhaahdaan odeygu dalka dibadiisa in loo oo qaado ayuu u baahanyay, waxay tidhaa iska ilaaba bada Berbera ayaan cagaha u soo gelinayaa oo faaliya yaasha ayaa igula taliyey dabeed wuu caafimaadi e.

Isku soo xoori oo arinka Amina Weris khatar buu ku tahay odeygeeda iyo Somaliland oo agenda heeduna waa mid qudha oo ah lacag lacag lacag urursi sidaasina uuma suurta geli doonto ee khaatumada ayey qoys keeda ka kharibaysaa.

 

n.weeerris

 

Xusuus:  Qormada kor ku xusan ma aha mid fikirka  Cabays Media  ku salaysan, waxaanu soo dhaweynaynaa wixii ra’iyi ee faaqidaad iyo falanqayn ah. Cabays Media waxa uu dhiiri galinaya xoriyotul qawlka ku salaysan raiyga hufan ee aan faaf reebnayn.

COMMENTS