CABAYS.COM
London oo dooratay Duq (Meeyar) Muslim ah xili heerka nacaybshaha Muslimka loo qabaa cirka marayo
May 7, 2016 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media

 

Magaalada London oo ah caasimada dalka Britain oo lagu qiyaaso in ay dagan yihiin 8 malyuun oo qoomiyado kala duwan, haba u badnaadaan dadka cadaanka ah, inakstoo cadaanka dhaladka ah lagu qiyaaso 44% (boqolkiba 44) sida ay tibaaxayso tiro koobkii sanadkii 2011-kii la qaaday,  ayaa doorashadii ka dhacda Khamiistii oo tirintii codadkii ugu badnaa uu helay Sadiq Khan oo ah nin asal ahaan ka soo jeeda dalka Pakistan oo aabihi yimid UK horaantii sanadkii 1970kii.

Sadiq Khan ayaa ku dhashay waaxda Tooting ee magaalada London  dabayaaqadii 1970kii, waxanu ku soo koray nolo u aabihii la soo xarbiyey , hase haatee waxa uu gaadhay in uu noqdo heer  ka mid noqodo garyaqaanada ku takhasusay dacwadaha xuquuqal aadamaha, waxaanu hore u difaacay kiisas waa weyn oo loo haystay shaqsiyaad Muslim ah. Saamayntii uu ku yeeshay siyaasada iyo dacwdaha sharci waxa ay u soo jiiday in xisbiga Shaqaalaha (Labour) ka uu ka noqdo xubin muhiim ah.

Doorshada Sadiq Khan ayaa ay ka horaysay olole aan waxba la isku reebi oo dhex maray ugu yaraan 4 kale oo iyaguna ku tartamayey musharaxnimada hogaanka magaalo weynta London. Zac Goldsmith oo ah ninka ay soo sharaxeen xibiga Jamhuuriyga (Conservative party) isla markaana ka soo jeeda qoys maal-qabee ayaa loolanka adagi dhex maray.

Xiligii ololaha ayaa Sadiq Khan waxa Zac ku eedeeyey in uu xidhiidh la lee yahay shaqsiyaaad taageera kooxaha xag jirka ee Islaamiga ah, waxaana hadheeyey eedaymaha loo hayey in uu meel fagaare ah kala ka soo muuday.

Khan

Duqa cusub ee caasimada UK ayaa ah mid inuu ilaaliyo midnimada qoomiyadaha kala duwan ee kunool. Waana balanqaadka ug weyn ee uu qaaaday iyo in uu horumarka London ka sii ambo-qaado halkii uu kaga teygay Boris Johnson oo ah xisbigii uu ka socday Zac Goldsmith oo uu doonayey in uu badalo.

Doorashada Khan waxa rajo galisay hogaamiyaha Labour ka, Jeremy Corbyn oo maalmihii ugu dambaysay saarnaa culays siyaasadeed oo kaga imanayey xisbiga kale ee Conservative-ka iyo sidoo kale xisbigooda oo gobolka Scotland laga helay kaalintii ay hore kaga jireen , lagana dhogay xisbiga 3aad halkii uu hore u ahaan jiray ka 1aad.

Doorshada Sadiq Khan ayaa ku soo beegantay xili nacaybshaha Muslimka lagula kaco uu hor u kacay dalkan UK iyo London ba , hase ahaatee doorashadiisu waxa ay fariin adag u diraysaa dadka cadaawada kala dhex dhigaya bulshada London.

Sadiq Khan ayaa doorashadiisu lagu tilmaamay xaqiiqada London iyo dadkoo khaatiyaan ka taagan xisbiga xisbiga Jamhuuriga oo xoog u dhima adeegyada bulshada iyo wax kaqaban la’aanta hoy la’aanta baahday ee dadka London haysata.

Duqa cusub ee London ayaa helay codkii ugu badnaa ee lagu doorto labadii ka horeeyey, waxanu helay hal malyuun iyo 3 boqol o kun oo cod in ka badan. Sadiq Khan waxa uu noqonayaa duqii 3aad ee London doorato maadaama sanadii 2000 London bilowday doorashada duqa caasimada ee wada hoos yimaadaan 32 waaxood ee ay ka kooban tahay.

Lama hubo sida ay wax uga badali doonto aragtida nacaybsho ee dad badani u qabaan Muslim-ka UK, hase ahaatee doorshada Khan waa astaan muujinaysa in Muslinka UK ayna jirin waxa ka hakinaya hanashada xilalka sare ee dalkan UK, waana mid dhiiri galinaysa dayarta Muslimiinta ah ee UK.

Cabays Media Staff

London- UK

COMMENTS