CABAYS.COM
Qisada iyo Xigmada ku jirta heesta Qofweyn Aniga Iima tihid!
August 19, 2020 - Written by Cabays
Cabays
Heestan Qof weyn ani iima tihid oo uu hal-abuuray, Maskaxddiisana waxay ka soo maaxday Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo aan ugu garan-ogahay magaca ah Qamuuska Xikmadda iyo Hal-abuurnimadda waxay ka hadlaysaa oo tilmaamaysaa in jacaylku markuu gu’yooyin badan soo jiro aanu gaboobin, hase-yeeshee uu Qofka Qalbigiisa ku dhex-gaboobo. Isla-markaana uu ku dhex-milmo Ruuxda iyo Quluubtiisa. Waxaana codkiisa ku qaada Fanaanka Maxamed Siciid Cabdi (BK).
FB_IMG_1597675990279
Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo sharaxaya qisadda ku jirta Heestani, ayaa hooga-tusaallaynaya Hanaankii berigii hore Gabadha Soomaaliyeedd loo calman jiray, “Berigii hore Ninku wuxuu noqon-jiray guurddoon, Gabadhu iyaddoo afaafka Guriga hortiisa ku haysata Kafadda iyo Maqasha ayuu Ninku arki jiray, dabadeedna waa loo dooni-jiray. Geell iyo Gamaan Faras-buu ka bixin jiray, laga soo gudub oo dadku Magaalada soo gal oo la is Caashaqe, oo Ubaxyo la isku-dhiib, Kalgacaylku-na faro-baday.”
Abwaanku waxa kale oo uu sawir ka bixinayaa Lamaaneyaashu markay da’ noqdaan in aanu dhamaan kalgacalkii soo jireenka ahaa ee ay hantiyeen, “Qisaddan Heestu ka hadlayso waxa la yidhaahdaa QOF WEYN ANI IMA TIHID, waxaad sawirataa adigoo Curub 16 jir ah oo qurux leh, oo xoog leh oo Caafimaadd qaba oo jeclaaday Qofkii Noloshu idin mataanaysay, waxay sidii ahaataba Ubad isku dhashaan, waa-weynaataan, Gabowdaan. Waxa imanaysa maalin haddii Cimri ku daayo Gabow-baan ku daynayn.”
Abwaan Laabsaalax, ayaa sidoo kale Murtiddiisan si gobonimo leh ugu sooray in jacaylku ku tamariyo xiisaha iyo hilawaga ka dhexeeya Lamaanayaasha muddo dheer dhib iyo dheef-ba soo wadda-qaybsaday, “Waxa laga yaaba adigoo gaboobay inaanu jacaylku kula gaboobine ee uu kugu dhex-gaboobo markaad cuskataba, waxaad aragteen dad badan oo in ka badan 70 Sanno is-qabay oo kalgacayl dhex-yaallo, balse tamar gabay, wax badan isma weydiiyaan. Laakiin dadkay iska xigaan, wey isku damqadaan, waanay is daawadaan.”
Heestan QOF WEYN ANI IIMA TIHID, ayaa u dhigan sidan:-
Maxaan soo wada jirnoo
Nolosha wehel soo ahayn
Maxaan laba Wacad galoo
Quluubta Jacayl ku wayn
Xurmada ku Waraabiyoo
Muxubo ugu soo Wanqalay
ahayn Wadar dhaba ahayn
Maxaan Caashaqa warkiisa
la soo marnay waayo badan
Ma jiro Wadka Ruux hortii
Waayeel ka Noqdaa Xubiga
Wakhtiyo Qurux daad lahayd
Hadduu Cimri Wiiqayoo
Dheehii Wajigaagu tagay
Qof wayn ani iima tihid
Waydiin Iyo Ma leh Su’aal
Inaad Tahay Waayo Arag
Xiskaygani Waab ku Lee
Taniyo Waagaan kuu Rabay
Maxaan Kugu Weehdayoo
Waraaqo Jacayl ah Qoray
Maxaan Wadnayaal Sawiray
Maxaan Weedhaha Kalgacal
Far Waa-wayn kuugu Dhigay
Ma jiro Wadka Ruux hortii
Waayeel ka noqdaa Xubiga
Wakhtiyo Qurux daad lahayd
Hadduu Cimri Wiiqayoo
Dheehii Wajigaagu tagay
Qof wayn ani iima tihid?
W/Q. Khaalid Xabsi

COMMENTS