CABAYS.COM
Siyaasada & Dhaqaaluhu waa kala maarmaan
August 26, 2020 - Written by Cabays

Cabays Xoraal Xul ah  – (Cabays Media) –  Siyaasada & Dhaqaaluhu waa kalama maarmaan –

Qalinkii Ibrahm Caydiid

Dawladaha Dunidu way is garab wadaan Siyaasada & Dhaqaalaha oo maba kala maarmaan oo waa la isku muquuniyaa, sidoo kale waa la is garab wadaa Siyaasada & Dhaqaalaha oo Danadaha dhaqaale ee ka dhaxeeya Dawladuhu waa mid la isugu hanjabo ama la Toojargareeyo amaba la is waydaarsanayo dano Siyaasadeed.

Somalia waxa ay xidhiidhka ganacsi ee ugu wayn ay leeyihiin Kiiniya kaas oo ah Qaadka ama Jaadka ugu badan ay Kiiniya u soo dhoofiso Soomaaliya oo maalin walba ay iman jireen Xamar Qaad aad u tiro badan oo lacag adag lagu qaato waxna aan lagu doorsan.

Dawlada Kiiniya Dhaqaalaheedu aad ayuu ugu tiirsanaa Qaadka oo guud ahaan Dalka & Gobolka uu Qaadku ka baxo ee Miiroo waa mid laga dareemayo dhoofinta Qaadku inay u tahay muhiim uu dhaqaale badani ku soo galo Dalka & Gobolkaas aan magac dhabay labadaba.

Dadka Reer Miiroo labada meelood ee ay ka fara-qabsadeen ee dhaqaalahoodu uu ku dhisnaa waxay ahaayeen Qaadkii Yurub & Maraykanka la gayn jiray oo la joojiyay & kii Somaaliya tagi jiray oo ay isagana Somaaliya ay joojisay.

Screen Shot 2020-08-27 at 00.40.21

Dawlada Somalia ee Taagta darani waxaynu ogsoonahay inay Kiiniya ka dhaxayso Xurguf Siyaasadeed oo wayni taas oo ay Dacwad ay Somaaliya kaga gacan sarayso ay iskula jiraan Maxkamad.

Dawlada Somalia oo awood darnideeda aynu ognahay hadana waxay culuys wayn oo dhaqaale arinta Qaadka ku saartay Kiiniya oo beryahan danbe doonaysay inay dhaq-dhaqaajiso saaxiibtiminimada Somaliland oo ay rabto inay xulufo Siyaasadeed noqdaan.

Dawlada taagta daran ee Somaaliya iyada oo Qaadka ay joojisay culays ku saaraysa waxay Kiiniya ku tidhi “kala bax dalkayaga faraha” iyada oo u jeeda Somaliland oo ay soo hadal qaaday Kiiniya inay la xulufo noqon doonto.

Arintaas Somaaliya ay culuyska dhaqaale ku saarayso Kiiniya waa mid la gudboon Somaliland inay iyana ka fikirto suuqa wayn ee ay u tahay Ethiopia ee Qaadka ugu badan ku soo galiso Somaliland, taas oo Somaliland ay la gudboon tahay inaanay arintaas iyada taabanaysa aanay daawanin ee iyana ay Danaheeda si qoto dheer ay uga fikirto.

Screen Shot 2020-05-08 at 21.29.42

Waxaynu ognahay maanta inay Dawlada Ethiopia ay la xulufo tahay Dawlada taagta daran ee Somaaliya ee ku dhegan Somaliland, maadaama ay taasi jirto waxaa muhiim ah inay Somaliland iyana dhinaca saarto Kiiniya oo ay Somaaliya Xuduud ka dhaxeeyo Gobolkana ku taala oo dan badani ugu jirto Somaliland.

Sida aan anigu qabo hadii Somaliland ay dayacdo ama ay garan waydo fursadaha muhiimka ah ee Kiiniya ay ku soo dhawaysan karto ee ay iska kaashan karaan dhaqaalaha & Siyaasadaba waa arin ina hoos martay oo ay mar kale Somaliland garan doonto.

Ethiopia Dalka labaad ee ugu badan ee ay wax u dhoofisaa waa Somaliland waxaanay Sanadkii ka samaysaa lacag dhan $291, 585.

Maadama oo ay Somaliland tahay Dalka labaad ee ay Ethiopia wax u dhoofiso isaka daa inay Somaliland wax ku badalatee hadana ay Ethiopia xaga Somaaliya u badan tahay oo lagaba yaabo inay Culays Siyaasadeed oo ay Somaaliya garab siinayso ku keento, maxay tahay waxa ay Somaliland xeerinaysaa?

Somaliland ma waxay garan wayday waxa Somaaliya oo ka liidataa ay garatay ee ay Kiiniya culuyska dhaqaale ku saarayso?

Qaadka badan ee Ethiopia ka yimaada ee aan abaal & ajartoona la inoogu qabini kol hadaynaan daynahaynin waxa aynu u badalan karnaa meel Siyaasada wax inagaga taraysa oo aynu uga faa,iidaysano Danaha Siyaasadeed ee Dalka muhiimka u ah.

Iyada oo aan ogahay in Somaliland ay leedahay Dawlad feejigan oo xaaladaha Goboblka & Kuwa Caalamkaba la socota oo door wayn ka ciyaaraysa hadana waxaa muhiim ah in qof kasta oo Muwaadin ahi uu feejignaado oo waxa soconaya uu ka talo dhiibto oo uu talada meeshii kasta ee uu awoodo u mariyo Dawladiisa kol uu arin muhiim u ah xasuusiyo amaba ay suuragal tahay in hal qodob laga faa,iido.

Talada soo jeedinteedu waa muhiim laakiin qaadashadeedu maaha muhiim oo in la qaato & in la qaadan waayo labaduba waa sax laakiin inaga waxaa la inooga baahan yahay inaynu sheegno hadba wixii aynu dan u aragno.

Ugu danbayn arimaha is wada sudhan ee Dhaqaale & Siyaasad labadaba isu wada sudhan ee ka dhaxeeya Somaliland, Somalia, Ethiopia & Kiiniya waa qaar muhiim ah oo la rabo Somaliland inay doorkeeda ay ka qaadato oo aanay dhayalsan.

Allahayaw laba talaba tii roon

Ibrahim Caydid

Image may contain: plant and nature
COMMENTS