CABAYS.COM
Tirsiga 1-aad -Wareejinta Dekeda Berbera waxaa weli saaran Caad iyo Ciiro qarsoon
May 30, 2016 - Written by Cabays

Cabays

 

Maqaal/qoraal:-

 

Tirsiga 1-aad -Wareejinta Dekeda Berbera waxaa weli saaran Caad iyo Ciiro qarsoon ee waa in xukuumadu shacabka qancisaa oo wacyi gelisaa.

Heshiiska dhexmaray Shirkada DPW ee laga leeyahay UAE wuxuu ka dhacay Dubei taariikhdii 9/5/16, Wuxuuna ahaa mid is afgarad iyo isfahan ah oo u gogol xaadhaaya heshiis rasmi ah oo dib u dhici doona dhawaan labada bilood ee soo socda. Heshiiskan qaybtiisa koowaad waxaa ku daabacan in laga wada shaqeyn doono mashaariicdan horumarineed ee hoose :

1- Beeraha oo loo kala qaaday Xoolaha, Khudaarta iyo Kaluunka
2- Shaqo abuur baaxad leh oo la leeyahay Xirfadlayaasha Somaliland ee shaqo la’aantu ragaadisay ayaa dalka gudihiisa iyo Emirates u shaqo tegi doona.
3- Balaadhinta Dekeda iyo suuq xor ah ” free zone” oo Dekeda aageeda laga dhisi doono oo shaqooyin iyo ganacsi abuuri doona
4- Dalxiiska Magaalo xeebeedka Berbera iyo Hargeisa oo la maalgelin doono , taa soo laga dhisi doono hutelo 4 Start ah.
5- Haamaha Keydka Shidaalka oo la balaadhin doono lana dayac tiri doono
6- Wadada isku xidha Berber iyo Eithiopa ” Berbera Cooridor ” oo la dhisi doono .
7- Waxaa la dhisi doonaa aaladaha tamarta dhaliya ” Energy renewal ” si Baahida koronto la’aanta Somaliland uga baxo gaar ahaan Berbera.

Heshiiskani wuxuu hoosta ka xariiqayaa in uu yahay is afgarad sharci ah 5-ta sanadood ee soo socda , kadibna 5 kale la cusboonaynsiin doono,
Waxaa aynu wada og nahay in shuruudaha iyo xakamaha heshiisku uu yahay shuruucda heshiiska oo dhameystiran si ay bud-dhig iyo baleysinba ugu noqdaan
heshiiska rasmiga ah ee la gelin doono dhawaan, sidaa daraadeed waxaa shardi ah in la dhameystiro inta aan la gelin heshiiska rasmiga ah qodobadan hoose:

a- In shuruucda hadhsan la dhameystiro si heshiisku u dhaqan galo. hadii muran dhacana loogu kala baxo.
b- In Baarlamaanka laga ansixiyo si ay muraadkooda dastuuriga uga gutaan oo shirkada u siiyaan shahaadad maalgashi
c- In Xukuumadu ay sife waafi ah oo xalaal ah ay shacabka Somaliland ugu soo bandhigto nuxurka heshiiska iyo faaidooyinkiisa ku duugan.
d- Waa in xukuumadu ay cilmi baadhis cokan ku sameeysaa saameynta taban ee uu mashruucani ku leeyahay mandaqa kadibna ay talo ka yeealataa.
e- Waa in xukuumadu ay cabirtaa saameynta taban iyo cadhada unkan ee mashruucani ku yeelan karo shacabka deegaanka gobolka saaxil iyo shaqaalaha Dekeda Berbera
f- Waa in Xukuumadu cadeysaa xaqa iyo faa’idada gaar ka ah ee uu Degaanka Gobolka Saaxil ku leeyahay mashaariicda kala duwan ee heshiiska ku xardhan.
g- Dawlada hoose ee Gobolka Saaxil waa in si gaar ah loogu soo bandhigaa mashruucan si ay u falkiyaan oo shacabka u wacyi geliyaan
h- Waa in xukuumadu ummadda JSL u cadeysaa sifeyaasha loo qaybsanaayo dheefta ,mansabka, maganata iyo moorada mashuuran laga dhiijin doono.
I- Waa in xukuumadu cadeysaa xuquuqda iyo magdhowga shaqaalaha Dekeda ee ay saameyndoonto wareejinta maamulka Dekedu ka hor heshiiska kama danbeysta ah.
J- Waa in Xukuumadu shacabka u cadeysaa shuruudaha iyo sifeyaasha lagu soo xulan doono Saamileyda reer Somaliland ee mashruuca ka qeyb qaadan doonata.

Markay maskaxdooda tuujiyeen aqoon yahanka iyo fog’aan araga reer Somaliland waxay u akraan mashruucan muga leh:

1- Waxay u arkaan In uu yahay mashruuc xaqal qalin ah oo ka gaadhsiis ah ee aanu aheyn mashruuc dalka iyo dadka wax loogu dhisaayo.
2- Waxay u arkaan in shirkad macaash doon ihi ” Profit seeking company ” ay dhitadoodii iyo dhaqaalahoodiiba afka u dhiganayso, maadaama ay iyadu la wareegayso Dekeda berbera oo ay yeelanayso maareynteeda oo dhan iyo madaxda Dekeda sida Maareeyaha iyo Maareye ku xigeenkaba.
3- Waxaa la is weydiiyey in hadii Xukuumadani ay hore u laheyd han, hal- abuur siyaasadeed iyo himilo fog oo ay dalka iyo dadkaba ku hore mariso , in aanay la sugteen wareejinta Dekeda Berbera waqtigan cawo daranta ah ee kala guurka ah. 4-Haddii ay Xukuumadani ay danaheeda gaarka ah ay ka hor marin laheyd maslaxada guud ee dalka iyo danta shacabka reer Somaliland marna lamay sugteen wareejinta Dekeda Berbera 8-deeda bilood ee waqtigeeda ku meel gaadhka ahaa uga sii hadhsan.
5-Waxaa ummadda ucadaatay in hadii Barnaamijka dib-udhiska Dekeda Berbera uu markii horeba bar-tilmaameed run ah u ahaa Barnaamijyada waxqabadka Xukuumada kulmiye, in aanay wareeginta Dekeda Berbera la sugteen waqtigan xaas-saasiga ah.

Guntii iyo Geba Gebadii Qormada: Waa in Golaha Baarlamaanka ee JSL ay u kuurgalaan xogta iyo Xaqiiqda Mashruucani xanbaarsan yahay kadibna ay muraadkooda ka gutaan Xukuumadana kula taliyaan in ay taxadar badan ka yeelato Saameynta Taban ee heeshkani ku yeelan karo Degaanada dalka inta aanu dhicin heshiiska rasmiga ahi ee kamaa danbeysta ahi.

La soco Qormooyinka Danbe.iyo Heshiiska Wareejinta Dekeda Berbera…………………………..??

 

Allaa Mahad iyo Mudnaanba LehFidhinle
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii :C/raxman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Advisor ED BD PA
United Kingdom
London

………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………..

Afeef: Qoraal kasta oo ku soo baxa Cabays Media website ma aha macnaheedu waxa uu ka turjumayaa aragtaida Cabays Media. Hase ahaatee CM waxa uu soo dhaweynayaa wixii qoraalo ah ee si  hufan u dhigan. Ku soo hagaaji wixii qoraal ah editor@cabays.com

COMMENTS