CABAYS.COM
Waa deegaankee halka Saldhiga bada Itoobiya laga kiraynayaa?
January 24, 2024 - Written by Cabays

Cabays Media – Inkastoo aanu wali soo bixin heshiiska rasmiga ah ee qeexaya goobta ay ciidamada bada ee Itoobiya ka dhiganayaan saldhig badeed, walina aan la shaacin nooca heshiiska ay wada galayaan Jamhuuriyada Somaliland iyo Itoobiya, haddana waxa la saadaalinayaa in aanay noqon goobihii ay hore uga saxeexdeen madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo xiligii uu Somalia u talinayey.

Haddaba, ma laga yaabaa in saldhiga badda ee Itoobiya uu noqdo Bulaxaar oo dhanka Berbera, sobobo bada oo ay ka mid noqon karaan.1. Haddii bulshada Awdal diido Lughaya in Itoobiya saldhig looga dhigo2. Lughaya oo ku taal meel aan dariiq wanaagsani u dhaweyn iyo dooxyada badan ee ay adag tahay in dariiq ku soo xidhma laamiga Wajaale ku kharash bato dhiskiisu.3.Bulaxaar oo si fudud loogu xidhi karo jidka Berbera ka yimaad.4.Dadka deegaanka Bulaxaar oo aan diidanayn.5. Itoobiya oo laga soo durkiyo saldhigeeda xeebaha ku dhawaan kara xuduuda, sida Saylac iwn.

Bulaxaar iyo sida ay Itoobiya ugu xidhmi karto
COMMENTS