CABAYS.COM
“XORRIYATUL QAWLKII KA JIRAY SOMALILAND WAXA LAGU AASAY XABAALAHA MALKO DURDURO…..”AFHAYEENKA URURKA SUXUFIYIINTA IYO QORAYAASHA MADAXABANAAN EE SSJW MR SAGAX
April 8, 2015 - Written by Cabays

Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta Iyo Qorayaasha Madaxabanaan ee Somaliland ee SSJW (The Somaliland Society of Independent Journalists and Writers) Maxamed Ibraahin Sagax ayaa luuqad adag ku cambaareeyey wariye ay xukuumadda Siilaanyo ku xidhay Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, kaas oo ku baaqay in degdeg xoriyadiisa loogu soo celiyo suxufigaas.

Waxa uu sheegay in Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo lagu xasuusan doono Saxafiyiintii ugu bad-nayd oo ay xidheen, isla markaana waxa uu kuu dooday in xoriyatul-qawlkii ka jiray Somaliland in lagu aasay xabaalaha Malko-durdurro.

 Mr Sagax waxa uu iftiimiyay heerka ay taagan tahay cabudhinta saxaafadu isaga oo ku sheegay in qadiyadii iyo madaxbanaanidii saxaafadu ay marayso halkii ugu xumayd abid.

Afhayeenka Ururka Suxufiyiinta Iyo Qorayaasha Madaxabanaan ee Somaliland ee SSJW  waxa uu sheegay in ururkii SOLJA ee lagu yaqaanay difaacid xoriyatul-qawlka iyo ilaalinta madaxbanaanida saxaafadda Somaliland inuu ku dhacay jeebka xukuumadda Siilaanyo,isla markaana ay fartu ku go’dan tahay, kuwaas oo uu ugu baaqay inay heeryada iska tuuraan oo ay difaacaan xoriyada warbaahinta madaxbanaan ee xad-gudubyada badan loo geystay afartii sano iyo badhkii xukuumadda Siilaanyo.

Waxaanu sidaasi ku sheegay Maxamed Sagax shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaaladda Hargeysa, kaas oo hadalkiisa ku bilaabay “Hadaanu nahay Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxa Banaan ee SSJW waxa uu si adag u canbaaraynayaa xadhiga qayru sharciga ah ee lagula kacay wariyihii magaalada Berbera uga Soo warami Jiray Tv-ga KALSAN, kaas oo todobaadkii hore xabsiga loogu taxaabay sifo aan sharci ahayn,shalayna lasheegay in todoba cisho oo rumaan ah loo diray waliba xabsiga wayn ee Berbera waliba loo gudbiyay,runtii arinkaas waxaanu u aragnaa hadaanu nahay ururka SSJW in xad gudub cabudhin iyo cago juglayn lagu hayo saxaafada madax banaan ee Somaliland”.

Intaas waxa uu ku daray Afhyeenka Ururka Qorayaasha Madax Banaan Ee SSJW Maxamed Ibraahim Sagax waxaana uu yidhi “Waxaanu leenahay madaxwayne Siilaanyo mudadii uu xilka hayay waxa ay xukuumadiisu ku talaabsatay in ay xidho wariyayaashii ugu tirada badnaa inta ay xilka haysay oo gaadhaya 200 oo suxufi oo Si qayrul sharci ah looxidhay iyo warbaahin madax banaan oo ilaa hada albaad loo laabay una Xayiran Madaxwayne siilaanyo xukuumadiisa oo ah Haatuf iyo Hubaa”l.

waxa uu nasiib daro ku tilmaamay ururka kale ee saxaafada u dooda ee SOLJA inuu noqday sida uu sheegay afhayeenku mid mugdi badani hadheeyay,isaga oo u soo jeediyay in ay ka hadlaan xoriyada saxaafada iyo madax banaanidooda.

“Waxaanu ka xunay ururka aanu mataanaha nahay ee solja oo baryahan danbe madaw badani hadheeyay,waxaanu leenahay ururka SOLJA waxa aynu nahay laba urur oo walaalo ah oo mih-nadi ka dhaxayso lakiin inaad sidan ku siisocotaan waa nasiib daro halkeeda taagan,

Madaxwaynaha Somaliland waxa uu ku sheegay mid ay dumadiisa tahay cadaalada darada,xadhiga iyo cadhubita lagu hayo saxaafada hadaanu wax ka qaban in ay dan-barsan doonto.

“cid kula qaadaysaa majirto adiga uunbay dumadaada tahay madaxwayne,mise waxa lagugu xasuusan doonaa madaxwaynahii xabaalaha xasuuqa ee maka dur-duro ku riday xoriyatul qawlkii saxaafada somaliland ee dastuuriga ahayd,ururkani waxa uu leeyahay xadhiga lagula kaco saxaafada ka joojin mayso in ay waajibaadkooda saxafadeed u gutaan sida waajibka ah,waxaanan leenahay si balaa shuruud ah oo dhakhso ah loo siidayaa wariyaha ku xidhan Berbera.

waxa uu sheegay xeerkii anshax saxaafada somaliland in xukuumada madaxwayne siilaanyo gabi ahaanba ku aastay xabaalaha Malka-durduro iyada oo sida uu cadeeyay doonaysa in ay cabudhiso qalinka xorta ah iyo saxaafada heeganka ugu jirta bulshada in ay xaqiiqda u tabiyaan.

“Maanta waata keentay in badhasaab yari am wasiir yari sida uu doono wariyaha u xidho Maanta,waxaad maqalysaa wariye hebel waxa xidhay wasiir hebel,waar sharciibay way dumisay xukuumada Siilaanyo, saxaafadiina sharci daro ayaa maalin kasta lagu xukumayaa.

Afhayeenku waxa uu haay’adda xuquuqda u dooda iyo haay’adda somaliland ka caawiya Dumuq-raadiyada u soo jeediyay in ay gurmad lasoo gadhaan saxaafada somaliland bad-baadiyaan taas oo ku tilmaamay in ay gashay gacan wasiir.

“Xukuumadda madaxwayne Siilaanyo waxaan leeyahay xoriyatul qawlkii,xuquuqul iinsaankii gabi ahaanba lagu aasayo Xabaalaha Maka dur-duro saakana naxashkii lasaaray”.

Xigasho: Haatuf Media Group

 

mSagax

 

 

COMMENTS