CABAYS.COM
1-da May iyo Macnaha ay Maanta u Samaynayso Shaqaalaha Dawladda Somaliland 27 Sanno Kadib…Sharmaarke Geelle
May 1, 2018 - Written by Cabays

Hargaysa(Cabays Media )Maalintan oo kale ayaa badi dunida laga xusa lana xurmeeyaa doorka shaqaalaha kala duwan kaga jiraan horumarka iyo horu-socodka dal higsanayo iyada oo hoos loo eego caqabadaha la soo darsa ama haysta shaqaalaha kala duwan ee dal leeyahay.

Somaliland ayaa sida oo kale maalintan oo kale xusta isla markaana shaqada ka nasisa shaqaalaha dawladda iyaga oo ku xurmayana dedaalka naf-hurka le ee ay qarankooda duruufaha adag ugu adeegaan. 

Haddaba, Waxa xusid mudan in shaqaalaha dawladda Somaliland sannadkan ay uga dareen iyo rejo badan tahay 27 sanno oo ay maalintan oo kale soo qaadan jireen iyada oo maalintan ay ku soo beegantay xili lasoo ururiyey dhammaan intii xog looga baahna

og-ururintan ayaa midba rejo gaar ah ka filayaa isaga/iyada oo ka sugaya; derejo bedel, xuquuq, xeerar, tababar, agab, aqoonsi, gunno, mag-dhaw, hawl-gab iyo dhamaan-ba inta shaqaale lagu kasbado ama kobciyo halka dhalinyarada dalku ka sugayso kaalmo shaqo oo soo baxa si ay qalinkooda ugu soo baxaan. 

Dhanka kale, masuuliyiinta gobolada ayaa xogtan laga soo helay ka dhawraya; maamul daadajin iyo maaliyad qaybin halkaas oo marka warkan le helay tallo la heli doonno.

Isku soo wada duubo, maanta inta shaqaysa iyo inta shaqo-doonka ah ba waxa ay u tahay maalin iyo sannad uga duwan kuwii hore iyaga oo si hilow badan u sugaya xogtii oo maraysa wejiyadi ugu dambeeyey ee kala shandhaynta si looga soo saaro war suggan iyo weedh sax ah.

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

 

 

 

COMMENTS