CABAYS.COM
10-Ka Maalqabeen Ee Ugu Hanti Badan Qaaradda Afrika Sannadka 2018, Xaddiga Lacagtooda Iyo Dalalka Ay U Dhasheen
April 10, 2019 - Written by Cabays

Lagos (Cabays Media) Inkasta oo marka Magaca Qaaradda Afrika la maqlo la xasuusanayo qaarad dagaalo iyo saboolnimo ba’ani ka taagan tahay dadkeeduna yahay dad inta badan ku caan ah tahriibta, dagaalada iyo faqriga, haddana sannadihii ugu dambeeyey qaaradda Afrika dalal badan oo ka mid ahi waxa ay noqdeen kuwo dhaqaalahoodu aad kor ugu kacay nabad gelyo badanina hadhaysay.

Qaaradda Afrika waxa ka jira dad badan oo maalqabeeno ah oo Milyaneero ah kuwaasi oo lacago badan ka sameeyey dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga. Qormadan waxa aan ku eegi doonaa 10-ka qof ee loo aqoonsaday sannadii 2018 in ay noqdeen kuwa ugu qanisan ama ugu lacag badan qaaradda Afrika. Kaalinta koowaad waxa ku jira oo noqday qofka qaaradda Afrika ugu hodansan Aliko Dangote oo u dhashay wadanka Nigeria. Hantidiisu waxa ay dhan tahay 15-Bilyan iyo badh oo dollar waxaanu ka ganacsadaa oo ku taajiray ganacsiga Sonkorta, Sibidhka iyo Daqiiqda oo uu geeyo badi dalalka Afrikada galbeed. Kaalinta labaad waxa ku jira Johann Rupert oo ah nin cad oo u dhashay dalka Koonfur Afrika. Ninkan waxa ay hantidiisu cagacagaynaysaa in ka badan 7-Bilyan oo dollar waxaanu ka ganacsadaa bagaashka iyo gaadiidka. Kaalinta saddexaad ee dadka Afrika ugu taajirsan waxa soo galay Nicky Oppenheimer oo isna u dhashay wadanka Koonfur Afrika oo ay hantidiisa netka ahi tahay $6.7 Billion waan aganacsade caddaan ah.

Liiska 10-ka maalqabeen ee qaaradda Afrika ugu hanta badan 2018 oo dhammays tirani waa sidan:

  1. Aliko Dangote – $15.7 Billion (Nigerian)
  2. Johann Rupert –$7.4 Billion (South African)
  3. Nicky Oppenheimer –$6.7 Billion (South African)
  4. Christoffel Wiese –$6.3 Billion (South African)
  5. Nassef Sawiris –Billion (Egyptian)
  6. Mike Adenuga –Billion (Nigerian)
  7. Mohamed Mansour –$4 billion (Egyptian)
  8. Nathan Kirsh –$3.9 billion (Swazi)
  9. Isabel dos Santos –$3.3 Billion (Angolan)
  10. Issad Rebrab & family –$3.1 Billion (Algerian)

 

COMMENTS