CABAYS.COM
Abwaan Laab-saalax oo maanso ku cabiray geerida Marx. Xaji Cabidwaraabe
May 11, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media ( Hargeysa- JSL)  Abwaanka weyn ee Reer Somaliland, Abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax ayaa maanso ku cabiray dareenka ay ku dhalisay geerida maxruun Xaaji Cabdi Waraabe oo Jimcihii ku geeriyooday caasiamda JSL ee Hargeysa.

Maanada  Baroor-qiiqda ah ee Abwaan Laabsaalax ka tiriyay Geerida kutimi Xaaji Cabdi Waraabe ayaa ahayd sidan:

Dhanbaalku Xumaa, Dheguhu maqlayaan
Warkiyo dhacdadiyo, Dhiiladu ba’anaa
Dhalaan iska daa, ilmadu ka Dhacdee
Haday dhagaxdiyo, dhulkuba hadlayaan-
Tiirkaa dhacaybaa, Umado Dheerayn!

Markay Dhabaqdee, Taladu Dhacantee 
Nin xuni dhirta iyo, Dhufayska Galee, 
Qoryaha laba dhaca’ intay dhufsadaan 
Makasta dhoohani, ku dhiiran jireen
Duqii dhab ahaan, samaha u dhashee 
wixii dhib yimaad, dhamayn jirayee 
Nabada dhidibkiyo, salkaba u dhigaa.
aakhiro u dhurtoo, xabaal la dhigee-

Muxuu dhagar Baajay, dhiig Qulquloo
muxuu dib u dhigay, balaayo dhacdoo 
si ay u dhaqdaan, dadkani u dhistaan’
dheelkiyo Qabawgiyo, Dhaxamo u maroo-
U soo Jilib dhigay, Dharaara adkaa, –

Xaqiyo Dhimashada, Adaa Dhigayoo-
Adoonka ka Dhaafa, Dunuub ka dhacdoo
Dhankaaga Adaan, Rabboow dhawrnoo 
Dhamaan Gacmaan, Ku hoos Dhiganee- 
Rabboow Dhaxalsi, Dhawaaqa Sanoo-
Rabboow dhibyaraan, dhexgee janadii ,

Image may contain: 2 people
COMMENTS