CABAYS.COM
Axmed Madoobe Oo Shaaciyay Sababta Ay Ula Kulmi-waayeen Farmaajo
September 6, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) –  Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Deni isla qaateen in aanay haboonayn in ay kaligood madaxweyne Farmaajo wada-hadal la yeeshaan, iyaddoo ay maqan yihiin dhinacyadii kale ee siyaasada.

“Haddaan saddexdeena isku reerka ah shirno oo war murtiyeedka kasoo saarno doorashada, waxayna macno tiraysaa wixii aan ku doodaynay iyo ujeedada aan Muqdisho u nimid.”ayuu yidhi Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay in aan wax doorasho ah laga hadli karin inta uu taagan yahay khilaafka labada aqal ee Barlamaanka,  isla-markaana uu tafaraaruq ku dhex jiro dadka siyaasadu ka dhexayso

 

 

Cabays news.com

COMMENTS