CABAYS.COM
Bandhigga lebiska oo lagu qabanayo Sacuudiga
April 10, 2018 - Written by Cabays

Markii ugu horreysay dalka Sucuudiga waxaa ka furmaya toddobaadka bandhigga lebiska, arrintaas oo muujineysa in isbeddel weyn uu ku yimid dhaqanka iyo arrimaha bulshada ee dalkaasi Sucuudiga oo horey ugu dhegganaa dhaqankiisa.

Kooxaha dharka naqshadeeya ee caanka ah ayaa lebiska ay naqshadeeyaan waxa ay ku soo bandhigayaan xaflad ay haweenka oo keliya ka soo qeyb galayaan oo ka dhaceysa magaalada Riyaad.

 Trump oo ciyaaraya ciyaar dhaqameedka Sacuudiga

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegaya in kooxaha soo abaabulay bandhiggan ay sheegeen in aan la xaddidi doonin dharka halkaasi lagu soo bandhigayo.

Munaasabaddaasi ayaa ka dhacaysa hoteelka Ritz Carlton oo ku soo caan baxay boqollaal amiir iyo hantiilayaal halkaas lagu xiray, kaddib hawlgal dhaxal sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan uu kula dagaallamayay musuqmaasuqa.

COMMENTS