CABAYS.COM
Berbera Oo Shirkad caalami ah u Qorsheeyay Inay Noqoto Xudunta Shidaalka Geeska Afrika & Malaayin Dollar oo ay galinayso
September 7, 2020 - Written by Khalid King

Cabays(Cabays Media) –  Shirkadda Trafigura ee ka ganacsata shidaalka, saliidda iyo ciida macdanta ah ee laga sameeyo birta xadiidka, isla markaana qaybisa marka ay shiido macdanta qaydhiin, ayaa sheegtay in ay maalingalin doolar ku horu marinayso Haamaha Kaydka shidaalka ee magaalada Berbera ee Jam. Somaliland.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Shirkadda Trafigura oo laga lee yahay dalka Sigabuur,  ayaa lagu sheegay in shirkaddu damacsan tahay in Berbera noqoto xuddunta Kaydka shidaalka ee Geeska Afrika.

Shirkadda ayaa dhawaan heshiis la saxeexatay Xukuumadda Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Ganacsiga JSL sida ay ku bayaamisay warsaxaafadeed ay maanta soo saartay shirkaddaasi.

“Trafigura, iyadoo haysata taageerada buuxda ee Xukumada (JSL) waxa ay ku talo gashay in ay si wajaada koobaad  ah  kor uqaado haamaha kaydka Berbera si ay u kobciso, una balaadhiso awooda kaydka (Haamaha) si aakhirka loo keeno shidaalka diyaaradaha & ka gaasta si loo dabaro gudaha (JSL) iyo dalabka gobolka (GeeskaAfrika), iyadoo sidoo kale la ilaalinayo habka caalamiga ah ee caafimaadka iyo fayo-dhawrka”  Ayaa shirkadu sidaasi ku sheegtay qoraalka warsaxaafadeedka ay ku bayaamisay in shirkada Trafigura ay ku maal galinayso Haamaha Berbera.
Shirkadda Trafigura oo ka shaqaysa shidaalka iyo saliidda la isaga gudbiyo dunida ayaa Xarunteeda ugu weyni ku taalaa Switzerland. waxaanay Todobaadkan  Berbera keentay Markabkii ugu horreeyay ee sida Shidaal shirkaddaasi leedahay, kaas oo aan wali la hubin in uu ka jaban yahay shidaalki ay hore u keeni jireen ganacsatada Somaliland oo iyaga laftuudu aan jabin qiimaha shidaalka mudadii ugu dambaysay ee uu shidaalka qiimihiius hoos ugu dhacay.
Screen Shot 2020-09-08 at 01.45.05

 

 

 

 

Shirkadan Trafigura waa shirkad ka shaqaysa kow iyo afartan dal (41) iyo lix qaadardood oo ay ka hayso ganacsiyo iskugu jira shidaal sifayn, baadhis macdanta dhulka iyo badaha laga helo iyo qaadista xamuulka macdanaha qaydhiin ama aan la sifayn. Shirkada Trafigura waxa la aas aasay sanadkii 1993kii sida ku qoran bogeeda internetka oo xamabaarsan macluumaad badan oo shirkadan la xidhiidha.

Shirada Trafigura waxa sidoo kale ay leedahay kaalmo shidaal iyo tukaamo ku yaal oo laga helo cuntooyinka fudud, sida cabitaano iwm.  Trafigura waxa ay Somaliland u horseedi kartaa soo jiidasho shirkado kale oo ku dhiirada in ay raad guraan oo ay maal gashadaan dhulka dihin ee Jam. Somaliland.

 

War qabadka Cabays Media

COMMENTS