CABAYS.COM
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Si Kulul Uga Hadlay Warqadda Xukumadda Farmaajo Deeqaha Ugu Diidayso Somaliland
June 21, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Soomaaliya) –  Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur  Warsame ee madaxda ah xisbiga Wadajir ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay kala fogayn abuurayso talaabada xukumadda Farmaajo dalalka deeqda bixiya u dirtay iyada oo dalbanaysa in aan Somaliland gaar loo siin wax mucaawimo ah. Waxa uu sheegay in Farmaajo cabudhin iyo cagajuglayn u adeegsanayo awooda dawladnimada ee Soomaaliya.

Qoraal uu ka soo saaray aCabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa  dhigan sidan:

cabdiraxmaan cabdishakuur

Qoraalkan ka soo baxay dawlada Federaalka ah wuxuu dalbanayaa in la joojiyo heshiis ay 2013kii wada galeen Dawladii Soomaaliyeed ee xiligaa jirtay iyo Beesha Caalamka. Heshiiska ayaa dhigayey in Somaliland macaamil gaar ah la siiyo mashaariicda deeqaha horumarineed (The Somaliland Special Arrangement).

 

Waxaa masuuliyad dari wayn ah iyadoo sidii loo doortay Madaxweyne Farmaajo aysan dhicin wada hadal dhexmara Soomaliya iyo Somaliland, iyadoo colaadii Tukaraq weli taagan tahay in qoraal caynkaan ah xiligan la soo saaro. Qoraalkani wuxuu maja xaabinayaa rajadii wadahadal ee labada dhinac, wuxuu dhaawacaya is aaminada iyo

kalsoonida la isku qabi karo.

Maamulka haatan jira wuxuu caado ka dhigtay in awooda iyo magaca dawlada ay u adeegsadaan cagajuglayn, cadaadis iyo caburin, halkii loo isticmaali lahaa isku soo dhowayn, kalsooni dhisid iyo dib u heshiisiin”

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaan ka waaban sheegida dhaliilaha xukumad Farmaajo oo dagaal ku qaaday isag iyo wixii la ficir ah.

Dhanka kale ilaa hadda lama oga jawaabta ay bixiyeen wadamada uu Farmaajo u diray qoraalka, hase ahaatee inta la og yahay wadamada Somailand la leh heshiiska Sonaliland Special Arrangement uma badna in ay wax ka soo qaadaan waraqd Farmaajo oo ay ogyihiin in aanu awood uu wax kaga badali karo lee yahay.

Sidoo kale xukumad Somaliland ayaa la eegayaa sida ay iyaduna uga jawaabto.

COMMENTS