CABAYS.COM
Cali Khaliif Galaydh oo Caasimada Somaliland u soo qaxay -diyaaradna ka raacay
February 6, 2017 - Written by Cabays

Cabays

 

 

 

Cabays Media -(Hargeysa-SL)  –  Hogaamiyihii Kooxda Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh,  oo laga soo baacsaday magaalada Buuhoodle oo uu shalay islaahaa diyaarad khaas aha ka raac ayaa saaka waabarigii si kadis ah lagu arkay isagoo ku sugan  caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Soo gaadhista magaalada Hargeysa ayaa lagu sheegay in ay ka dhalatay ka dib markii loo diyaariyey weerar lagaga saarayo magaalada Buuhoodle oo uu shalay doonayey in uu diyaarad ka raaco iyo godoon dhanka socodaalka ah oo ku yimid markii garoonkii Buuhoodle ee diyaaraha ay koox ka soo horjeedaa saani ula wareegtay, meel uu uga baxana waayey, isla markaana ay Hargeysa u noqotay meesha kaliya ee uu dalka dibadiisa uga sii gudbi karo.

Waxa magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir,( Faratoon), Wasiirka Qorshaynta, Agaasimaha guud guud ee Wasaaradda Dhaqanka, Faysal Aw Jaamac Xirsi (Faysal Xawte), Agaasimada Xidhiidhka Dibada ee Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska, Idiris Xubin, badhasaabka gobolka  Maroodi-jeex  iyo Badhasaabka gobolka Togdheer Saleebaan Cali Ramaax oo soo gaadhsiiyey magaalada Hargeysa, kadib markii uu Cali Khaliif xili waabari ah ka soo baxay magaalada Buuhoodle oo guluf colaadeed kaga kacay.

Cali Khaliif Galaydh iyo xubno la socday ayaa soo dhawayn diiran kala kulmay masuuliyiinta iyo madaxda xukuumadda Somaliland, una qaabilay si heer sare ah. Waxaana la dajiyey Hoteel Ambasador oo ay isaga iyo wefigiisu ka quraacdeen, kana si maydhmaydheen. Waxa ilo ku sugana huteelku Cabays Media u sheegeen in sidoo kale madaxda xisbiga WADDANI oo uu horkacayay Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID ay halkaas ku booqdeen.

Weftigan uu hogaaminayo Cali Khaliif Galaydh oo saacado kooban ku sugnaa gudaha magaalada Hargeysa, waxa ay isla saakaba ka dhoofeen garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Arport, iyaga oo u kicitimay magaalada caasimada u ah dalka Jibuuti ee Jabuuti, oo la filayo in shir wada xaajood ahi uga furmo kooxda khaatumo iyo xukuumada Jamhuuriyada Somaliland.

Diyaarada ay Cali Khaliif Galaydh iyo xubnaha Kooxda Khaatumo ee la socday ay ka raaceen Hargeysa ayaa waxa sidoo kale la raacay, xubno ka mid ah xukumada Jamhuuriyada Somaliland, oo ka koobanaa wasiiro iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe.

Cali Khalif

Sawiradii saaka: Cali Khalif iyo Amb. Hutel -Hargeysa

Hogaamiyaha Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh, ayaan waxa hadala ah ku sharixin ujeedada socdaalkiisa Hargeysa, isla markaana ka gaabsaday saxaafadda, lamase hubo in marka uu gaadho dalka Jabuuti uu si faahfaahsan uga hadli doono ujeedada socdaalkiisa iyo in uu ku doodi doono in uu Hargeysa marin uu ka sii gubayo uun u soo maray, hase ahaatee waa markii ugu horraysay ee uu cagaha soo dhigo caasimadda Somaliland ee Hargeysa isagoo sheeganaya in uu yahay hogaamiye kooxeed oo Somaliland kula gorgortamaya in deegaan Somaliland ka tirsan uu yahay mid aan ogolayn qadiyad Somaliland.

IMG-20170206-WA0004

Sawiradii saaka: Soo dhaweyntii Cali Khalif Hargeysa

Cali Khaliif Galaydh ayaa ka mid ahaa aqoonayahanadii ka soo jeeday Gobolka Sool ee dib u aas aaskii Somaliland iyo dhismihii dawladeed ee sanadkii 1993kii ee magaalada Boorama ka qayb qaatay, hase ahaatee saluugay qaabkii dawladeed ee la isku raacay ee ah madaxweyne iyo kuxigeen, waxase isagu uu kudoodayey xiligaa in laga dhigo madaxweyne iyo raysal-wasaare, waana ta uu wali ku doodayo, oo uu rabo in dib dastuurka Somaliland loogu noqdo oo qodobkaa la badalo.

Wada-xaajoodka ka dhacaya Jibuuti ayaan hore loo sheegin iyo goortii laga soo wareejiyey Addis Ababa oo ay hore shirar kala duwan ku yeesheen Kooxda Khaatumo iyo xukumada Somaliland. Waxaana muuqata in Cali Khalif Galaydh uu markan u dabcay qadiyad Somaliland, maadaama uu ku celceliyo in ay wax la qabsanayaan.

Hase ahaatee Magaalad Buuhoodle ayuu kaga yimid xaalada kacsan oo keeni karta in la isku dhaco, dadib markii qori caaradii lagaga horjoogsaday in uu diyaarad khaas ah halkaa ka raaco.

Halkan kala soco wixii ka soo kordha warankan.

Cabays Media

Hargeysa, Somaliland

COMMENTS